War kasoo kordhay ninkii lagu eedeeyey inuu 5 gabdhood oo Soomaali ah ku dilay…

Washington (Caasimada Online) – Heshiis qirasho ayaa miiska u saaran wiil uu dhalay wakiilkii hore ee gobolka St. Paul oo lagu eedeeyay in uu gaari soo kaxeeyay iyada oo uu shidan yahay nalka cas ee istaagga.

Shilkan ayaa ka dhacay koonfurta Minneapolis xagaagii hore kaasoo shilka ku dilay shan gabdhood oo dhallinyaro ah.

Dhagaysiga Talaadadii ee maxkamada degmada Hennepin County, Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha Degmada Paige Starkey ayaa maxkamadda ka akhriyay dalabka Derrick John Thompson.

Starkey ayaa sheegay in dalabka qirashadu uu sii furnaan doono ilaa taariikhda maxkamadda xigta, taasoo loo asteeyay Noofambar 4.

Thompson, oo 28 jir ah kama uusan hadlin dhegaysigii Talaadadii, kaas oo socday 7 daqiiqo oo kaliya.

Dhageysiga dacwada ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan qoysaska iyo asxaabta gabdhaha dhalinyarada ah ee geeriyooday, qaarkood ayaa wajiyadooda laga dheehanayay murugo halka kuwa kalana ay ilmeynayeen.

Gabdhaha shilka ku geeriyooday ayaa kala ahaa Salma Maxamed C/qaadir oo 20 jir ahayd, Sabiriin Maxamuud Cali oo 17 ahayd, Sahra Liibaan Geesaade 20 jir, Sagal Burhaan Hersi 19, iyo Siham Adan Odawa oo Iyana 19 jir ahayd.

Thompson, oo sidoo kale wajahaya eedeymo federaal ah oo la xiriira shilka, waa wiil uu dhalay xildhibaankii hore ee Minnesota John Thompson, kaasoo matalay St. Paul’s East Side 2021.

Derrick Thompson waxa uu ku jiray xabsiga dowlada dhexe ee Sherburne ilaa Diseembar 18, markaasoo la soo taagay maxkamad federal ah. Dhageysiga xeerbeegtida kiiskaas ayaa loo muddeeyay Oktoobar 7.

Sannadkii 2020, Thompson waxaa lagu xukumay California ka dib kiis lagu helay 2018, kaas oo uu ka baxsaday askar kadib markii baabuur oo uu ku dhuftay haweeney.

Waxay koomo ku jirtay dhowr toddobaad. Waxa uu ku jiray tijaabo kiis markii uu dhacayay ama uu sababayay shilka Minneapolis.