War ka cusub wada-hadallada Israel iyo Xamaas kadib dilkii Haniya

Gaza (Caasimada Online) – Israel ayaa oggolaatay in 15-ka Agoosto dib loo bilaabo wadahadaladii xabad joojinta Gaza, sida ay dalbadeen dhex-dhexaadiyeyaasha Mareykanka, Qatar iyo Masar, sidaasina waxaa sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu xilli xiisadda dagaal ka qarxa gobolka ay cirka isku shareertay.

Hay’adda difaaca madaniga ah ee Qaza ayaa sheegtay in ka badan 18 qof duqaymo ay ciidanka Israel ku qaadeen laba dugsi maalintii Khamiistii, iyadoo Iran-na ay ku eedaysay Israel inay doonayso in ay dagaal ku faafiso bariga dhexe.

War-murtiyeed ay si wadajir ah Khamiistii u soo saareen hoggaamiyeyaasha Masar, Qadar iyo Mareykanka ayay ku casuumeen dhinacyada is haya in ay dib u bilaabaan wada-hadallada 15-ka Agoosto kuwaasi oo ka dhacaya Doha ama Qaahira “si isfaham looga gaaro qeybaha aan wali la isla garan oo loo bilaabo hirgelinta heshiiska iyada oo aan dib loo dhigin”.

Heshiis guud ayaa “hadda miiska saaran, oo kaliya tafaasiisha fulintiisu” ay dhiman tahay in la gabagabeeyo, iyadoo dhexdhexaadiyayaashuna ay “diyaariyeen in ay soo bandhigaan soo jeedinta heshiiska kama dambaysta ah” si loo xalliyo arrimaha harsan, ayay yiraahdeen.

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay habeenkii xalay in Israa’iil ay 15ka Agoosto u diri doonto koox wada xaajoodyaal ah “goobtii lagu heshiiyo si loo soo gabagabeeyo tafaasiisha fulinta heshiiska”.

Heshiiska la filayo in colaadda lagu hakiyo ayaa waxaa ka mid ah sii deynta la haystayaasha ee Gaza iyo in kor loo qaado gargaarka la gaarsiiyo Gaza.