Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Yaaq-bariweyne + Khasaaraha

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay gudaha deegaanka Yaaq-bariweyne oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad deegaanka ah, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Dagaalka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 15 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo kor u dhaafeysa 20 ruux oo isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo shacab, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Labada dhinac ee dagaalamay ayaa weli isku horfadhiya Yaaq-bariweyne, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale ay isku fara saaraan halkaasi, maadaama ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan magaalada, waxaana isugu soo haray dhinacyada dagaalamaya.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kasoo jeedo deegaanka, isla markaana taabacsan maleeshiyaadka kasoo horjeedo Koonfur Galbeed ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday dhankooda, balse ay iska difaaceen ayna khasaare dhimasho leh gaarsiiyeen ciidanka soo weeraray, gaadiidna ay ka gubeen, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka, kan gobolka Shabeelaha Hoose iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalka Yaaq-bariweyne.

Koonfur Galbeed ayaa horay ugu eedeysay maleeshiyaadkan inay isbaarooyin soo dhigteen halkaasi, waxaana sidaas uga dhex qarxay dagaalka oo saameyntiisa laga dareemay guud ahaan gobolka Shabeelaha Hoose.