Wararkii ugu dambeeyay guulaha laga gaaray howlgallada Jubbaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland Jeneraal Ismaaciil Saxardiid Kaydsane oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Ismaaciil Saxardiid Kaydsane ayaa shaaca ka qaaday in jab xoogan Al-Shabaab lagu gaarsiiyay howlgallo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay aagga deegaanka Buulo-Xaaji iyo halka loo yaqaano Lagta Caanoole oo ka wada tirsan gobolka Jubada hoose.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in ciidamadu sii eryanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla maraakana ay ka daba tegayaan halka ay ku dhuumaaleysanayaan.

“Dhuumaaleysi ayay ku jiraan geed kasto oo ay hoos galaan ciidanka waa ka daba galayaan” ayuu yiri Janeraal lagta Caanoole ee gobolka Jubada hoose.

Waxaa kale oo uu yiri “Waxaa la gaaray xilligii Shabaab gabalkooda uu dhacay meel walbo oo ay ciidankeenna isaga hor imaadaan waa looga gacan sarreeyaa”.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in uu sii socon doonaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, ujeedkana uu yahay in laga ciribtiro guud ahaan deegaanada Jubbaland.

Howlgalka wuuu soconayaa illaa aan ka ciribtirno kooxda Al-Shabaab, ama usoo hoyanayaan magaalo kamid ah Jubbaland”. ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Jubbada Hoose, kadib dagaallo ka dhacay halkaasi.