Wararkii ugu dambeeyay ee qarax lagu hoobtay oo ka dhacay Buulo-burte

Buulo-bure (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha qarax qarax lagu hoobtay oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, kaas oo lala eegtay dad shacab ah.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa lala beegsaday maqaayad ku taalla bartamaha degmada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Duqa magaalada Buulo-burde Cabdisalaan Hagar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa lagu sii diyaariyay maqaayadda, kadibna marka ay dadka isugu yimaadeen lagu qarxiyay, wuxuu ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in weerarkan qaraxa ah ay waxyeelo kasoo gaartay illaa 20 qof oo shacab ah, isla-markaana 5 kamid ah ay liidato xaaladdooda caafimaad.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daraya in mid kamid ah dhaawacyada daran uu geeriyooday afarta kalena ay usoo qaadeen magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladdooda caafimaad.

Cabdisalaan Hagar oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay weli wadaan baaris ku aadan weerarka, ayna ku daba jiraan xubnihii soo maleegay, si gacanta loogu dhigay.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, inkastoo saameynta uu qaraxa gaystay laga dareemayo magaalada Buurde ee gobolka Hiiraan.

Magaaladan ayaa kamid ah meelaha uu ka socdo abaabulka dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo weli ka socdo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.