Cali Guudlaawe oo baxay iyo wararkii ugu dambeeyay shirka golaha wadatashiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan xarunta madaxtooyada qaranka waxaa weli ka socda shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirka oo diiradda lagu saarayo xaaladda guud ee dalka, siiba arrimaha doorashooyinka ayaa galay maalintii afaraad oo xiriir ah, iyada oo madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii loo horumarin lahaa amniga, iyo dimuqraadiyeynta dalka.

Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya oo lagu faah-faahiyay shirka ayaa waxaa lagu sheegay in kulamadii maanta dhacay ay ahaayeen kulamo doceedyo iyo kuwo u dhaxeeyey guddiyo farsamo, kuwaas oo ka shaqeynaayey fududeynta qodobada muhiimka u ah shirka golaha.

Villa Soomaaliya ayaa intaasi ku dartay in wada-hadalladu ay u socdaan sidii loo qorsheeyay, isla markaana ay madaxdu soo saari doonaan qodobo muhiim ah oo heshiis lagu wada yahay.

“Kulamada GWQ waa kuwo ku socdo si habsami leh, waxaana rajeynayaa in dhawaan si wada jir ay loo soo saari doono hishiis siyaasadeed iyo qodobo muhiim u ah nidaamka dowlad-dhiska Soomaaliya’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Xudeyfi oo ah afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya.

Dhinaca kale  Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa qaatay fasax ku aadan ka qeyb-galka xafladda sanadguurada HirShabelle, wuxuuna u baxay magaalada Jowhar, inkastoo uu ku soo biiri doono kulamada berri loo balansan yahay ee golaha wadatashiga qaranka.

Waxaa kale jira caqabado uu wajahayo shirka sida diidmada madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka horyimid in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, waxaase weli soconayo dadaallo lagu qancinayo, maadaama keligiis uu ku yahay go’aanka diidmada ah.

Sida uu qorshuhu yahay shirka ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo maalinta berri ah, ayada oo laga soo saari doono war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ku heshiinayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.