Warbixinta maaliyadda oo lasoo bandhigay iyo halka ay aado lacagta u badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta maamulka maaliyadda dalka ayaa maanta ka qabsoomtay magaalada Muqdisho, taasi oo uu ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre.

Warbixinta oo ka hadleysa guulihii laga gaaray hannaanka maaliyadda dalka 10-kii sano ee lasoo dhaafay, ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay halka ay aado lacagta u badan ee laga qaado shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo kulanka ka hadlay ayaa shaaciyay in canshuurta laga qaado shacabka Soomaaliyeed ay badankeed ama illaa 70% lagu bixiyo amniga dalkeenna.

Wasiirka ayaa sheegay in sanadihii lasoo dhaafay dalka uu sameeyay kobac dhaqaale, balsa aya wax badan dhiman yihiin, isaggoo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho ay xaq u leeyihiin in cashuurta laga qaado wax loogu qabto.

Iyadoo taas laga duulayana ay xukuumadda bilowday mashruuc wax looga qabanayo biyo-mareennada magaalada, si xal loogu helo saamaynta roobabku ku keenaan magaalada Muqdisho.

“Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho waxa ay xaq u leeyihiin in cashuurta laga qaado wax loogu qabto, annaga oo taas ka duuleyna ayay xukuumaddu bilowday mashruuc wax looga qabanayo biyo-mareennada magaalada si xal loogu helo saamaynta roobabku ku keenaan magaalada Muqdisho,” ayuu yiri wasiir Biixi Iimaan.

Dhinaca kale, agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyada XFS oo ka warbixiyay soo bandhigista warbixinta maamulka maaliyadda ee (2013-2023) ayaa sheegay in warbixintaan ay soo kobeeyso mudda 10-sano ah waxyaabihii qabsoomay.

Warbixinta ayuu sidoo kale sheegay inay qeyb ka tahay caqabadihii jiray sida looga gudbi karo, wuxuuna xusay in mudadaasi waxa badan laga qabtay habka maamulka maaliyadda ee dalka.