Wareysi: Taliyaha Marines-ka Mareykanka ee Afrika oo si cajiib ah uga warbixiyey Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Marines-ka Mareykanka ee ka howlgala Afrika ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay VOA, wuxuu kaga hadlay arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto argagixisada al-Shabaab.

Wareysigan oo muuqaal ahaa ayaa taliyaha looga qaaday Muqdisho, wuxuuna ka warbixiyey kulamo uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya iyo Mareykanka ay hadaf dheer ka leeyihiin dagaalka Al-Shabaab, isla markaana laga gaaray natiojo weyn.

“Shaqada waxaan la wareegay 2022 ciidamada xoogga Soomaaliya waxay dagaalka ka gaareen natiijo aad u weyn, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ila wadaagay in ciidamada Soomaaliya ay curdun yihiin oo dhismihii uu weli ku socdo, balse waxay dagaalka ka gaareen natiijo rasmi ah,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada badda ee howlgalka Mareykanka ee AFRICOM.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka taageera dhinaca Militeriga, gaar ahaan dhismaha ciidamada iyo dagaalka Al-Shabaab, saldhig weyn oo lagu tababaro ciidamada qaranka ayuu ku leeyahay Balidoogle.

Sidoo kale diyaaradaha dagaalka ee dowladda Mareykanka ayaa ciidamada Soomaaliya ka taageera dagaalka Al-Shabaab, iyagoo gobollada ka fuliya duqeymo ay kooxdaas ku bartilmaameedsadaan.

Taliyaha oo ka hadlay wadashaqeynta dhanka militeriga ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa yiri, “Soomaaliya waxaan nahay bah-wadaag, waxaan ku wada duulnay Al-Shabaab, waxaana ka qeyb qaadanaa dhismaha ciidamada qaranka.”

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay ku filan yihiin inay la wareegaan amniga qaranka, markii ay dalka ka baxaan ciidamada ATMIS, gabagabada sanadkaan 2024-ka.

Hoos ka dhageyso wareysiga: