Wasiir Cabdirisaaq oo jawaab culus kasoo saaray fadeexadddii dhacday shalay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay fadeexo shalay ka dhacday munaasabaddii lagu qabtay dekedda Muqdisho ee lagu soo dhaweynayay markabka Turkiga ee baaraha shidaalka Soomaaliya, kadib markii goobta lagu soo bandhigay Maab laga saaray magaca HirShabelle, balse lagu xusay Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka oo arrintan raalligelin ka bixiyay ayaa shaaciyay inuu yahay khalad farsamo oo dhacay, isla markaana ka yimid dhanka shirkadda qaban-qaabineysay munaasabadda.

“Shalay waxaa dhacday arrin farsamo oo ahaa Qariidad aan markaas habooneen in lagu soo daray Qariidadihii meesha yaallay wixii tiknino ahaa iyo agaasinka waxaa u xil saarnaa agaasimaha guud, aniga baaritaan ayaa sameeyay saaka agaasimaha waxaan ka codsaday inuu xog sax isoo siiyo sida ay wax u dhaceen” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq Cumar.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Xogta wuu ila wadaagay waxaana isoo baxday in khaladka meesha uu ka dhashay ay ahayd isticmaalka Qariidad la sameeyay 2015-kii oo si khaldan meesha ku gashay, waxuuna ka dhashay shirkadda qaban-qaabineysay munaasabadda”.

Dhanka kale wasiirka ayaa u jawaabay madaxweynaha Puntland oo maanta arrintan si kulul uga hadlay, kuna weeraray dowladda dhexe, wuxuuna sheegay in Deni uu garan waayay Maab la sameeyay 2015-kii.

“Madaxweynaha Puntland waxa uu garan waayey MAP-2015-kii la sameeyay, Deni Sahminta Puntland isaga ayaa diiday oo horistaagay” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay caro xoogan iyo hadal hayn, waxaana ka hadlay dad kala duwan oo ay ku jiraan syaasiyiin caan ah oo Soomaaliyeed.

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo kasoo jeedo HirShabelle ayaa mar wax laga waydiiyay falka ay ku kacday dowladda dhexe ayaa ku jawaabay “Dowladda iyadaa ku daraysa Maabka HirShabelle laga saaray”.

Sidoo kale wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan BFS Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo qoraal soo saaray ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadan oo ay si gaar ah ugu kacday wasaaradda Batroolka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Waxaa Nasiib darro ah in Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Xilligan faafiso Maabka Soomaaliya oo jiritaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle lagu inkirayo, kana dhigaya laba Gobol.  Waxaan Wasaaradda Batroolka iyo Xukuumadda Federaalka ka dalbaneynaa inay cudurdaar ka bixiso xadgudubka ay kula kacday Hirshabeelle iyo Dowlad Goboleedyada kale” ayuu wasiir hore Ducaale.