Soomaaliya iyo Qatar oo ka hadlay laba qodob + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) –  Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr Cabdullahi Bin Salem Al Nuaimi.

Fartaag ayaa danjiraha Qatar kala hadlay laba qodob oo kala ah horumarinta xiriirka labada dal iyo xoojinta taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dowladda Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay warbaahinta qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiirka amniga gudaha oo uga mahad-celiyey taageerad Qatar ay siiso Soomaaliyaa yaa sheegay in Dooxa ay tahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageerada dhinacyo kala duwan oo horumarinta dalka ah.

“Waxaa muhiim innoo ah in wasaaraddu ay si dhow ugala shaqeyso sidii ay usii xoojin lahaayeen taageeradooda ku aaddan hey’adaha amniga ee hoostaga wasaaradda amniga gudaha” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qatar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, waxayna mashaariicyo muhiim ah ka fulisaa dalka, sida dhimaha waddooyinka muhiimka ah.

Si kastaba, xiriirka Muqdisho iyo Dooxa ayaa sii xoogeysanayay sanadihii ugu dambeeyay, ayada oo dowladdan iyo tii ka horeysayba la lahayd wada shaqeyn wanaagsan oo dhanka diblumaasiyadda ah.