FIQI oo joogista ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya la xiriiriyey qorshe halis ah

New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya inay Soomaaliya u joogto dhul ballaarsi ee aysan aheyn mid ay uga difaaceyso cadowga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo hadal ka jeediyay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee QM ayaa eedeynta u jeediyay Itoobiya, isagoo xusay in joogitaankooda aysan la xiriirin la-dagaalanka argagixisada.

“Aan caddeeyo sheegashada ah in Itoobiya ay Soomaaliya u joogto la-dagaalanka argagixisada waa marmarsiyo lagu doonayo natiijada dhabta ah ee ku qabsaneyso, kuna ku goosaneyso dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xasadaraha ay Itoobiya ku wajaheyso dalalka deriska ay ka leedahay sidii ay indhaha bulshadeeda uga leexin laheyn halista ka taagan gudaheeda, taasboo ay maareyn la’dahay.

“Natiijada dhabta ah ee ka dambeysa cadaawada ay baryihii dambe ku wajaheyso dalalka deriska waa isku day ay ku dooneyso inay dareenka dadka looga leexiyo arrimaha halista ah ee ka taagan gudaha dalkaasi ka jira,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu Itoobiya ku eedeeyay in ay u dhaqantay si ka baxshan shuruudaha howlaha nabad ilaalinta ee Soomaaliya ee ay Itoobiya qeybta ka tahay, ayna hub sharci darro ah soo gelisay gudaha dalka, kuwaasi oo uga sii dari kara xaaladda taagan.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala furtay kadib markii horraantii sanadkaan ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland heshiis u gacan gelinaya qeybo kamid biyaha Soomaaliya, kaasi oo ay si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya oo ku tilmaamtay “xad-gudub” ka dhan qarannimada iyo midnimadeeda.