WASIIR hore oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ku dhex dishay wasiir hore oo ka tirsanaa maamulka HirShabeelle, sida ay ogaatay Caasimada Online masuulkaas waxaa caawa lagu dilay degmada Yaaqshiid.

Masuulka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Axmed Muudey, wuxuuna wasiirka beeraha ka soo noqday dowlad goboleedka HirShabeelle.

Koox ku hubeysan bistoolado ayaa marxuumka Makhribkii ku dishay xaafadda Godey-Makane ee degmada Yaaqshiid, waxaana goobta ka baxsatay kooxdii dilka geysatay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa caawa soo saartay qoraal ay ku sheeganeyso dilka wasiirkii hore ee beeraha HirShabeelle Allaha u naxariistee Xasan Axmed Muudey.

Qaraxyadii ay Muqdisho ka geysa jirtay kooxda Al-Shabaab oo galaafa jiray nolosha dad shacab ah oo aad u badan ayaa laga joojiyey, kadib dadaallo iyo xirfado ay la yimaadeen hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Balse hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya weli kuma guuleysan inay magaalada Muqdisho ka joojiyaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada qofka loogu xiro gaarigiisa.

Maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho waxaa ka dhacay dilal lamid ah kan caawa loo geystay wasiirkii hore ee beeraha HirShabeelle, sida dilka guddoomiye ku xigeenkii dhanka maaliyadda ee degmada Awdheegle oo maalin ka hor ay ku dileen degmada Xamarjajab.

Dilalkaan gaadmada ah oo sanado badan ay Al-Shabaab  ka geysanayeen Muqdisho, waxaa lamid ah oo weli aan xal loo helin qaraxyada qofkii fursad lagu helo loogu xirayo gaarigiisa, kuwaas oo sababa in qofka si fudud lagu soo afjaro.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa soo hagaagayey amniga magaalada Muqdisho oo sidaan ka daraa, ciidan cusub ayaa loo soo tababaray magaaladaan, kuwaas oo gaaf-wareega habeen iyo maalin, waxaana muuqata in tartiib loo gaarayo xubni ay xakameyn karaan hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.