Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo) sidoo kalena ah Xildhibaan ka tirsan BFS ayaa soo saaray qoraal ku socda xildhibaanada Jubbaland iyo Puntland ku metela dowladda federaalka Soomaaliya.
Wasiir Daalo ayaa qoraalkiisa ciwaan uga dhigay “TALO IYO TOOSIN KU SOCOTA XILDHIBAANADA LABADA GOLE.”
Cismaan Daalo ayaa sheegay in maalmahaan ay soo bateen xildhibaanno saaxiibadiis ah oo dano gaar ah isku uruursaday, kadibna iska soo daba soo saaraya qoraalo ay taageero ku muujinayaan ama wax ku diidayaan.
“Xildhibaane/Senator waxaan ku xusuusinayaa marka hore inaad tahay xildhibaan Qaran, marka xiga xildhibaan ahaan waxaad sharci u leedahay ‘Cod’ wuxuuna yaalaa Baarlamaanka gudihiisa,” ayuu yiri Cismaan Daalo.
Daalo ayaa intaas ku sii daray “Marka kaliya ee xildhibaanow aad wax saxiixi karto waa marka aad qoreyso ‘MOOSHIN’, balse waxaa nasiib darro ah adigoo shaqadaadii fasax la’aan uga maqan, waajibaadkii aad u dhaaratay kasoo bixi waayey inaad sida Hay’ado iyo dowlado shisheeye qoraallo u soo saarto.”
Ugu dambeyntii Xildhibaan, Wasiir Cismaan Daalo ayaa talo siiyey xildhibaanada saaxiibadiis ah, isagoo u sheegay inay yimaadaan fadhiyada baarlamaanka oo ah halka lagu kala baxo.
“Xildhibaannow codkaada, sharaftaada iyo waajibaadkaada Baarlamaanka ayey yaallaan ee ka shaqee midnimada dalka iyo dadka oo taageer dowladnimada,I Aamina Doorasho qof iyo Cod wey dhaceeysaa” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cismaan Cabdi Daalo oo ah xildhibaan iyo wasiir ka tirsan xukuumadda.
Xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland iyo Puntland ayaa intooda badan kasoo hor jeestay dowladda federaalka, iyagoo taageero u muujiyey madaxda maamuladaas, taasi oo dhabar jebin ku ah meel marinta qorshaha dowladda federaalka.