Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia oo weerar culus ku qaaday madaxda DF

Addis Abab (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia ayaa weerar afka ah ku qaaday mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Taye Atske Selassie ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka qaarkood hadallo cadawtinimo ah, iyadoo ay sii xumaanayso xiisadda u dhaxeysa labada dal ee deriska ah.

“Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa hawlahooda caadiga ah ka dhigtay inay ballaariyaan khilaafaadka,” ayuu yiri Wasiir Taye oo warbaahinta kula hadlay magaalada Addis Ababa.

Isaga oo tixraacaya ku lug lahaanshaha Itoobiya ee howl-gallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya tobankii sano ee lasoo dhaafay, diblumaasiga ugu sarreeya Ethiopia ayaa intaa ku daray “in saraakiisha Soomaaliya ay udub dhexaad u yihiin hadalkooda si ay u wiiqaan nafhurnimada askarta Itoobiya ay u bixiyeen dalka.”

Dhinaca kale, waxa uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia in dowladdiisa ay dooneyso in xiisadda taagan ay ku xaliso si nabad ah, xilli dhawaan lagu kala kacay wejigii labaad ee wada-hadallada kadib markii Ethiopia ay ka gows qabsaday ka laabashada is-afgaradkii Somaliland.

“Itoobiya waxay doonaysaa inay ku xalliso khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya si nabad ah iyo dadaallo dublamaasiyadeed” ayuu yiri Wasiir Taye.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay xilli ay xukuumadda Abiy Axmed ay ka gil-gilatay imaatinka Masar, oo maalmo kahor magaalada Muqdisho ay timid diyaarad milateri oo dalkaasi laga leeyahay, taas oo qeyb ka ah qorshaha Masar ay uga mid noqoneyso howl-galka cusub ee nabad ilaalinta.

Masar oo ah waddan uu muddo dheer khilaaf diblumaasiyadeed kala dhaxeeyay Ethiopia, muran ka dhashay biyo-xireenka weyn ee Addis Ababa ay ka dhistay webiga Nile-ka ayaa muujisay in ay ku howl-galka cusub kamid noqoto wax adag ku noqonaysa Ethiopia.