Wasiirro iska casilay xukuumadda Muuse Biixi xilli uu wajahayo loolan adag

Hargeysa (Caasimada Onlin) –  Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa maanta isaga baxay garabka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo is casilay, kadibna taageero wayn u muujiyay musharraxa xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro.

Wasiir ku-xigeennada wasaaradaha waxbarashada iyo kalluumeysiga ayaa iska casilay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda Muuse Biixi xilli uu haatan socdo ololaha doorashada.

Naasir Caydiid Maxamed oo ah wasiirka ku xigeenka wasaaradda kalluumeysiga oo qoraal kooban soo saaray ayaa si cad u sheegay inuu soo dhisayo Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xisbi ahaan aanu ka bixin Kulmiye, balse doorashada madaxtooyada uu taageerayo musharraxa kasoo horjeedo xisbigiisa ee Cirro.

“2017 waxan u codeeyay Muuse Biixi isna wuxuu iga dhigay wasiir ku xigeen aad ayuu u mahadsanyahay, xiligaa waxan u arkayay in hoggaaminta waddanku ay isaga ku fiicantahay, imikana Cirro ayaan dhisayaa, xisbi ahaan lakiin waxan dhisayaa Kulmiye” ayuu yiri Naasir Caydiid Maxamed.

Dhankiisa wasiir ku xigeenkii wasaaradda waxbarashada Somaliland Maxamuud Cilmi Yuusuf ayaa isna faah-faahiyay sababta uu isku casilay, wuxuuna sheegay inuu la tashaday dadka deegaankiisa, ayna isla garteen in xilligan ay Somaliland u baahan tahay isbeddal dhab ah.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan deegaanada Somaliland ay ka socoto diyaar garow ku aadan doorashada hoggaanka maamulkaas oo dhaceysa 13 November, waxaana haatan socda is riix riixa u dhexeeya xisbiyada ku loolami doono doorashadaasi.

Horay waxaa xisbiga talada haya ee Kulmiye uga baxay xubno muhiim ah, kuna biiray xisbiga mucaaradka Waddani ee uu sharraxan yahay Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro.