Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa Somaliland ka socda u diyaargarowgii u dambeeyey ee doorashooyinka isku sidkan ee madaxtinnimada iyo ururrada siyaasadda, oo labadii sano ee u dambeeyey qabashadooda muran uu ka taagnaa.
Doorashadan oo loo ballansan yahay inay qabsoonto berri ayaa noqonaysa tii siddeedaad ee ka dhacaysa Somaliland tan iyo intii ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale 33 sano ka hor.
Waxaa xilka madaxwaynenimada ku tartamaya saddexda musharrax oo kala ah Muuse Biixi Cabdi oo ka socda xisbiga talada haya ee Kulmiye, Cabdiraxmaan Cabadillaahi Cirro oo ka socda xisbiga Wadani iyo Feysal Cali Waraabe oo ku tartamaya xisbiga UCID.
Muuse Biixi oo la doortay sanadkii 2017 ayaa mar labaad u sharraxan dorashadan. Doorashada. Muddo-xileedka doorashada Somaliland ayaa ah shan sano, balse maamulka Muuse Biixi ayaa talada hayay toddoba sano.
Saddexda musharrax ayaa midkoodba sameeyay ballan-qaadyo intii ay socdeen ololaha doorashada;
Muuse Biixi – oo 1-dii January ee sanadkan heshiis is af-garad oo Badda Cas ah la saxiixday Itoobiya – ayaa sheegay inuu sii wadayo heshiiskaas oo weli aan hirgelin, maaddaama uu sheegay inuu muhiim u yahay aqoonsiga Somaliland.
Soomaaliya oo u aragta Somaliland inay ka tirsan tahay dhulweynaha Soomaaliya ayaa si caro leh uga jawaabtay heshiiskaas, waxayna ku tilmaantay faragalin arrimaha gudaha Soomaaliya lagu sameeyay.
Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac oo weli aan loo beddelin heshiis sharci ah, ayaa waxaa muuqata in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya u oggolaato in ay baddeeda ka dhisato dekad ganacsi.
Somaliland waxaa kale oo ay sheegtay in dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay.
Laakiin halka arrinta adag ay ka jirto ayaa ah in Itoobiya ay sheegtay in ay Somaliland u aqoonsanayso dal madax-bannaan, tallaabadaas oo aanay jirin waddan kale oo sameeyey 30-kii sannadood ee Somaliland ay tilmaantay in madax bannaanideeda ay Soomaaliya kala soo laabatay.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa isagana mar uu wareysi gaar ah siiyay BBC wuxuu sheegay inuu soo celinayo heshiiska Somaliland iyo Soomaaliya “haddii ay ku jirto danta Somaliland”. Wuxuu sidoo kale ballan-qaaday xoojinta amniga iyo isu soo dumidda shacabka.
Feysal Cali Waraabe ayaa isaguna sheegay in ahmiyaddiisa koowaad ay tahay aqoonsi u raadinta Somaliland.
Haddaba, waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa dhowr arrimood oo doorashadan ku cusub.
Tirada cod-bixiyeyaasha oo kordhay
Doorashada berri ayaa waxyaabo badan kaga duwan kuwii hore Somaliland uga dhacay.
Waxaa sanadkan kordhay tirada dadka codkooda dhiibanaya oo kor u dhaafay hal milyan oo codbixiye.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo BBC la hadlay ayaa sheegay in guddiga ay sanadkan si wayn u diyaar garoobeen maaddaama tirada codbixiyayaasha ay kordheen oo ay howl badan u taallo.
“Tirada codbixiyayaasha kama dambeysta ahi ee xaqa u leh inay codeeyaan waxaa weeye 1,227,48 qof, goobaha laga codeynayana waa 24,650 goobood” ayuu yiri Muuse.
Labo doorasho oo isku-sidkan
Dadka ayaa sidoo kale u codeyn doona madaxwayne iyo ururrada siyaasadda.
Cabdinaasir Axmed Aadan, oo ah falanqeeye siyaasaddeed oo Hargeysa ku sugan ayaa BBC u sheegay in ay doorashada ka baaxad wayn tahay madaxwayne la soo doorto oo kali ah, balse sida lagu go’aaminayo xisbiyada jiri doona mustaqbalka siyaasadda ee 10 sano ee soo socda.
“Doorashada waxa ay kaga duwan tahay kuwii hore, codeeyuhu wuxuu yeelanayaa laba cod oo uu mid madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen ku dooranayo, midna ku dooranayo ururka uu ugu codaynayo inuu ka mid noqonayo sadexda xisbi ee jiri doona tobanka sano ee soo socda.” Ayuu yiri.
Dhowr urur siyaasadeed ayaa u tartmaya sanadkan in ay noqdaan xisbiyo siyaasadeed oo rasmi ah.
Waxaa xusid mudan ee doorashada sanadkan in shacabku toos u dooranayaan saddexda xisbi ee 10 sano ee soo socda ka jiraya Somaliland doorashadooda lagu sidkay ta madaxtooyada, halkii markii xisbiyadu ay doorashada deegaannada la soo baxayeen.
Isticmaalka qalab casri ah
Waxyaabaha ku cusub doorashooyinka waxaa kale oo ka mid ah – oo markii u horreysay la isticmaalayaa – in dadka codaynaya lagu hubiyo nidaamka hubinta indhaha, si looga fogaado in codbixiyeyaashu aanay ku codayn kaarar aanay lahayn, inkasta oo deegaannada oo dhan qalabkaas aan la wada dhigi doonin.
Arrintan oo muddo khilaaf ka taagnaa ayey xisbiyada iyo komiishanku ku heshiiyeen bishii August ee sanadkan.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf ayaa sheegay in qalabkan casriga ah uu yahay mid gacan ka geysanaya hubinta cod-bixiyaha.
“Doorashada waxaa ku cusub isticmaalka xaqiijinta codbixiyaha ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo (Biometric) oo gacan ka geysanaya xaqiijinta codbixiyaha,” ayuu sheegay Muuse.
Waxaa uu xusay guddoomiyaha in si gaar ah qalabkan xaqiijintiisa loogu isticmaali doono indhaha codbixiyaha oo laga qaaday xilligii diiwaangalinta.
“Waa nidaam la isticmaalayaa bu’da isha si loo xaqiijiyo codbixiyaha ka hor inta aanu codeyn marka qalabkan ayaa ku cusub sanadkan doorashada,” ayuu intaa ku daray.
Goobo doorashooyinkii hore ay ka dhaceen oo aan laga codeyn doonin imika
Waxa xusid mudan in doorashada Somaliland ee sanadkan aysan ka dhaceyn goobo ay ka dhacday doorashadii tan ka horeysay.
Waxaa ka mid ah goobaha aysan sanadkan ka dhaceyn magaalada Laascaanood iyo magalooyin kale oo ay doorashada ay horey uga dhaci jirtay.
Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii uu dagaal ka dhacay magaalada Laascaanood islamarkana lagala wareegay Somaliland.
Ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad deegaanka ah ayaa wuxuu dagaal ku dhex maray Laascaanood billowgii bishii February ee sanadkii hore.
Laascaanood waxaa imika ka jira maamul cusub oo la magac-baxay Khaatumo.
Ammaanka doorashada oo la adkeeyay
Waxaa sanadkan si ka duwan sidii hore aad loo adkeeyay ammaanka goobaha ay doorashada ka dhaceyso.
Waxaa si gaar ah ammankooda loo adkeeyay goobaha laga cabsi qabo ammaankooda doorashada ay qalqal gasho.
Taliyaha Booliiska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo heegan ah oo haddii ay amni daro dhacdo ka jawaaba.
“Waxaan diyaarinnay ciidan heegan ah iyadoo dee marka la codeynayo lagu talagalayo in ay amni darro iman karto, ciidan heegan ah oo ka jawaaba wixii amni daro ah ee yimaada” ayuu yiri taliyaha.
Waxaa xusid mudan in sidoo kale qeyb ka mid ah militariga ay ka qeyb qaadanayaan sugidda amniga doorashada Somaliland oo waxaa loo diyaariyay ciidamo militari ah oo kor u dhaafaya 2,500 oo askari.
Taliyaha militariga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo dhawaan hadal jeediyay ayaa isna sheegay in inkastoo amniga gudaha ay booliiska leeyihiin hadana ay gacan ka siinayaan sugidda amniga doorashada maaddaama sida uu yiri aysan ku filnayn booliiska.
“Horta guud ahaan arrimaha gudaha waxaa lahaa booliiska maadaama ay ka bateen goobaha booliiska, wuxuu booliisku na waydiistay inaan caawino ka dib waan caawinay, ciidanka qaranak waxaa uu qeyb ahaan u helay 2,629 askari oo ka howlgalaya ciidanka qaranka.” ayuu yiri Taani.
BBC