Washington (Caasimada Online) – Dadka dalka Maraykanka u dhashay ayaa bisha Nofembar dooran doona madaxweynaha hogaamin doona. Cod bixinta ayaa si aad ah loogala socon doonaa dunida oo dhan.
Waxay kaloo u codayn doonaan xubnaha koongareeska oo kaalin muhiim ah ka cayaari doona in la ansixiyo shuruucda saamaynta weyn ku yeelan kara nolosha dadka Maraykanka.
Haddii aad tahay muwaadin Maraykan ah oo da’diisu tahay ama ka badan tahay 18 sano, waxaad xaq u leedahay in aad codkaaga ka dhiibato doorashada madaxtinimada oo la qabto afartii sanaba hal mar.
Waa goorma doorashada
Doorashada 2024 waxaa la qaban doonaa maalinta Talaadada ee bisha nofembar ay tahay 5, sanandka 2024.
Qof ka guulaysta ayaa muddo xilhaynteedu tahay 4 sano qaban doona hogaanka aqalka cad, taasoo bilaabanaysa bisha Janaayo ee sannadka 2025.
Dhinaca adduunweynaha marka la eego, hogaamiyaha Maraykanka wuxuu leeyahay xorriyad aad u balaaran oo uu ku matalo dalka marka dibadda.
Yey yihiin murashaxiinta, sideese loo soo magacaabaa
Labada xisbi ee waaweyn ayaa soo magacaaba murashixiinta madaxweynenimada, ayadoo tiro cod bixinno loo qaado kuwaasoo loo yaqaanno “isreebreeb (primaries)”, waana kuwo ay dadku ku xushaan qofka ay doonayaan inu xisbiga ku hogaamiyo doorashooyinka guud.
Xisbiga Jamhuuriga, madaxweynihii hore, Donald Trump, ayaa helay taageerada xisbigiisa marloo eego dadka isaga ka soo horjeeda.
Wuxuu noqday qofka uu xisbigu sida rasmiga ah u soo magacaabay, shirweynihii xisbiga ee Milwaukee, Wisconsin.
Dhinaca xisbiga dimoqradaadiga, Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, Kamala Harris ayaa noqotay qofka la soo magacaabay. Waxay tartanka ku soo biirtay markii uu ka baxay madaxweyne Joe Biden.
Ms Harris ayaa taageero aad u weyn ka heshay xisbiga dimoqaraadiga gudihiisa shirweynihii xisbiga ee ka dhacay Chicago bishii Agoosto.
Maxay u taagan yihiin xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga
Xisbiga Dimoqaraadiga waa xisbi siyaasadiisa tahay mid liberal ah, ayadoo ajendihiisana uu ku dhisan ayahay in la dardar galiyo xuquuqaha madaniga, daryeelka bulshada iyo isbeddelka cimilada.
XIsbiga Jamhuuriga waa xisbi muxaafid ah, waxaa kaloo Maraykanka gudihiisa looga yaqaan GOP (Grand Old Party). Wuxuu u ololeeyaa in canshuurta la dhimo, in la yareeyo baaxadda xukuumadda, iyo xayiraado adag oo lagu soo rogo socdaalka iyo ilmo iska soo rididda.
Sidee loo qabtaa doorashada madaxtinimada Maraykanka
Qofka guulaysta ma aha qofka helay codadka ugu badan ee dalka oo dhan. Taa beddelkeeda waa in labada murashax ay u tartamaan inay ku guulaystaan loollanka dhamaanba kontonka gobol.
Gobol kasta wuxuu leeyahay tiro cayiman oo loo yaqaanno codadka electoral college, taasoo ku salaysan tirada dadka ku nool. Guud ahaan codadkaas waa 538, qofka guulaystana waa murashaxa hela 270 cod iyo wixii ka badan.
Gobolladaas oo dhan laba ka mid ah ayaa qofka ku guulaysta aqlabiyadda uu kursiga helaa.
Inta badan gobolladu dhinac ayey u badan yihiin, sidaa darteed diiradda waxaa la saaraa in lagu guulaysto 12 gobol, waxaana loo yaqaanaa gobollada lulanaya oo micnaheedu yahay inay hadba dhan raacaan (swing states), codadkoodana waa kuwo aan la saadaalinkarin.
Waxaa suurtogal ah in murashax uu ku guulaysto codadka shacabka ee dalaka oo dhan laakinse ku guuldarraysta codadka electoral college, sida ku dhacday Hillary Clinton 2016.
Yaa kale oo la doortaa
Indhaha oo dhan waxay ku sii jeedaan madaxtinimada, laakinse cod bixiyeyaasha waxay kaloo doortaan xubnaha aqalka koongareeska – halkaasoo shuruucda lagu ansixiyo.
Koongareeska wuxuu isugu jiraa aqalka wakiillada ooleh 435 kursi oo loo codeeyo, iyo 34 kursi oo ah senetka ooiyagana kloo tartamo.
Xisbiga jamhuuriga ayaa wakhti xaadirkan gacanta ku haya koontaroolka aqalka wakiillada halkaasoo ah meesha laga soo bilaabo kharashaadka xukuumadda, halka senetka oo u codeeya magacaabista xukuumadda ay gacanta ku hayaan xisbiga dimoqraadiga.
Labadaas aqal waxay ansixiyaan shuruucda , waxayna sidoo kale hubiyaan qorsheyaasha aqalka cad.
Goorma ayaa la ogaada qofka guulaysta
Inta badan qofka guulaysta waxaa lagu dhawaaqaa habeenka doorashada, laakinse sannadkii 2020 tirinta codadka ayaa dhowr maalmood qaadatay.
Xilliga doorashada ka dambeeya waxaa loo yaqaanaa ‘kala guur’, haddii madaxweynaha la baddalayo.
Waa xilli maamul cudub uu imaanayo, kaasoo ay ku jiraan wasiirro, si loo abuuro qorshaha muddada cusub ee xil haynta.
Madaxweynaha waxaa si rasmi ah loogu dhaariyaa xafiiska bisha Janaayo, xaflad loo yaqaanno ‘caleemosaar’, waxayna ka dhacda xatabadda aqalka capitol Hill ee Washington DC.
Isha: BBC