Waxa dhici doona haddii DF ay Itoobiya dekad u ogolaato wada-hadallada Turkey

Dalka Soomaaliya burburkii kadib waxaa soo gaaray dhibaatooyin aad u waaweyn oo gumeysigii soo jireenka ahaa uu helay fursad aad u weyn uu kala qeybin karo soomaalida.

Dalalka Itoobiya iyo Kenya waxay hore innaga heysteen dhul aad u ballaaran laakiin maadaama aan leheyn dowlad adag waxay ogaayeen inay iman doonto waqti ay soomaalidu dib u midoobi doonto balse rajadaasi waxay burburtay markii aan dowladdeennii duminnay.

Kenya waxay isku dayday inay beddesho qaabkii dhuleedkii Soomaaliya iyadoo isleh Soomaaliya aad ayey u nugushahay awoodna ma leh waxay sheegatay inay leedahay dhowr iyo boqol miles oo baddeennii ka mid ah inkastoo aysan ku guuleysan inay baddii qaadato 100% misena waxaa ay qaadatay marin biyood ay Mombasa ku tagto taasoo aysan leheyn markii hore.

Haatan waxaa taagan xaaladda Itoobiya ay baddeennii tiri waxaan qaadanayaa illaa 50 miles oo bad ah kana dhisanayaa Deked aan anigu maamulo iyo saldhig military oo aan ciidanka badda u dhiso.

Isweydii haddii Itoobiyaan uu dhisto deked ay iyadu leedahay oo dowladda Itoobiyana ay maamusho ka fikir maxaa ka dhalan kara ?

Jawaabtu waa mid kooban waxaa dhici doonta inay xirmaan dekedihii Soomaaliyeed ee waqooyiga Soomaaliya ee Berbera iyo Jabuuti taasoo dekedahaasu aheyd isha keliya ay shacabkaasi dhaqaale ka heli jireen noloshooduna ku tiirsaneyd.

Maadaama Itoobiya ay bad heshay waxay ka maarmi doontaa adeegsigii dekedaheenna taasina waxay keeni doontaa soo wajihi doona shacabkii Soomaaliyeed ee waqooyiga oo markii horeba la daalaa dhacayey faqri iyo shaqo la,aan.

Tan ku saabsan inay Itoobiya rabto inay saldhig ciidan badeed ka sameysato Soomaaliya waa mid khatarteeda leh waxaa iska fudud inay timaaddo baddeenna si kastaba haku timaaddee balse waxaa adkaan doonta in laga saaro dhulka Soomaaliyeed.

Waxaad mooddaa in dowladdii Soomaaliyeed ee dalkan xukuntay ineysan uba jeedin khatartan aadka u weyn ee Soomaaliya ay wajihi doonto sanooyinkan soo socda iyadoo had iyo jeer aan maqleyno waxaa la  wada hadashiisiinayaa Itoobiya iyo Soomaaliya arrinta ku saabsan heshiiskii badda ee Muuse la saxiixday Itoobiya.

Haddii ay Soomaaliya oggolaato inay la hadasho Itoobiya arrinta badda maxaa diiday inay dhici doonto halheyskii ahaa *ku qabso ku qadimeyside* Waxaan dowladda Soomaaliyeed kula talin lahaa ineysan lumin heybaddii iyo sharaftii Soomaalida lagu yiqiin ayna ilaaliyaan karaamadii Soomaaliyeed.

Wabillaahi Towfiiq
Qore: Maxamed X Seeraar