Weerarkii xeebta LIIDO oo muujiyay arrin HALIS AH

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii badanaya falcelinta laga bixinayo weerarkii dhimashada badnaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo laga bixiyay fasiraad kala duwan maadaama ay Shababa ku beegsadeen shacab badan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo warsaxaafadeed kasoo saaray falkan argagaxa leh ayaa ku tilmaamay mid baahalnimo ah oo dad rayid ah lagu laayay.

Xamza ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in weerarkan muujinayo sida ay kooxda halis ugu tahay nolosha shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in ku waaday isir sifeyn.

“Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed.” ayuu qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in falkan uu yahay mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka suubban, isla markaana lagu dabargoynayo ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxa, kuwaas oo u baahan in wadajir loogu istaago gurmadkooda.

Ugu dambeyn wuxuu tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi arxan darrada ahaa, isaga oo Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo intii ku dhaawacmay weerarkaasi.

Si kastaba, weerarkan ayaa muujinaya sida Al-Shabaab ay xooga usoo saareen caasimada, waxaana dhawaan ay ka fuliyeen laba weerar oo si xig xigay, kaas oo mid kamid ah lagu qaaday xabsiga dhexe halka kan kale lagu beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.