Wiil dhalinyaro ah oo isku dal-dalay Hargeysa + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kadib markii uu isku dal-dalay wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dadka deegaanka..

Qoraal kasoo baxay ciidanka Dab-damiska Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in wiilka yar ay soo bad-baadiyeen, kadib markii ay u sameeyeen gurmad deg-deg ah.

Wiilka oo dhaawac daran ah ayaa haatan la geeyay mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Hargeysa, si loogu dabiibo xalaaddiisa caafimaad.

“Ciidanka Dabdemiska magaalada Hargeysa ayaa soo badbaadiyay Wiil dhalinyara oo isa soo dal-dalay. Ciidamada Dabdemiska ayaa markii ay dhameeyeen hawlgalkii Kaalinta Shidaalka Ee Kaah ayaa waxaa ciidanku u baxeen hawlgal kale kaasi oo ahaa wiil yar oo isa soo dal-dalay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Ciidanka Dabdemiska ayaa wiilkaas yar soo gaadhsiiyay cisbitaalka Amal Grand Hospital”.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa is dal-dalaadda wiilkan yar ama xaaladda ku kaliftay inuu nolosha is dhaafiyo, waxaase socda baaritaano ay wadaan laamaha amniga.

Taliska ciidanka Dab-damiska oo maalmahan waday howlaha gurmad ah oo ay u sameynayaan shacabka Somaliland ayaa ugu dambeyn digniin u diray dadka deegaanka waxayna fareen inay ka fogaadaan falalka halista ah ee waxyeeleyn kara noloshooda.

“Hadaba waxaanu halkan bulshada uga digaynaynaa in falalkaa halista ah ka digtoonaadaan. Fadlan soo wac 990 lambarka gurmadka degdega ah ee ciidanka Dabdemiska shirkadaha Telesom/Somtel 24 ka saacadoodba” ayaa mar kale lagu yiri.

Dhacdooyinka is dal-dalaadda ah oo dunidana ka dhaca ayaa muddooyinkii u dambeeyay kusoo badanayay gudaha dalka, taas oo argagax wayn ku reebtay dadka Soomaaliyeed.