Xaaladda degmada Luuq oo faraha ka baxday iyo wararkii ugu dambeeyay maanta

Luuq (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed xoogan oo xalay ka dhacay gudaha degmada Luuq, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo u cuslaa ayaa u dhexeeyay maleeshiyaad ku wada sugan gudaha degmadaas oo ay in muddo ah ay u dhexeysay colaad xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu saameyn xoogan ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa magaalada, isla markaana ay xaaladda faraha ka baxday kadib markii ay is fara saareen maleeshiyaadka labada beelood.

Xaaladda ayaa saaka ah mid kacsan, waxaana weli is horfadhiya maleeshiyaadkii xalay dagaalamay, ayada oo mar kasta la filan karo inay mar kale ku dagaalamaan halkaasi.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalka ka qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Horay ayay maleeshiyaadka ugu dagaalameen Luuq, waxayna isku haystaan arrimo la xiriira maamulka degmada iyo dilal aanooyin qabiil ah oo ay horay isugu gaysteen labada dhinac.

Si kastaba, mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo uu ugu horreeyo madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan oo ku baxay xiisaddan ayaa ku guuleysan waayay xalkeeda, waxaana mar kale dib u qarxay dagaalka labada beelood.