Xaaladda suuqa Bakaaraha oo maanta ka sii dartay iyo wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalintii labaad waxaa xiran goobaha ganacsiga suuqa wayn ee Bakaaraha, sababo la xiriira go’aankii kasoo baxay dowladda ee ku aadan qaadista canshuurta iibka oo shalay ka dhaqan gashay magaalada Muqdisho.

Ganacsatada ayaa weli ka cabanaya go’aanka kasoo baxay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, xilli dowladda ay horay u sheegtay in la xaliyay cabashadii ganacsatada.

Sawirro laga soo qaaday suuqa ayaa muujinaya albaabada oo wada xiran iyo ganacsatada oo bannaanka fadhisa, waxaana qaarkood ay sheegeen in ay ka cabanayaan canshuurta cusub ee la saaray, taas oo dhan 5%.

Xaaladda suuqa ayaa kasii dartay, waxaana la hakiyay dhamman dhaq-dhaqaaqii ganacsi ee ka jiray halkaasi, ayada oo arrintan ay ganacsatada kaga jawaabayaan go’aanka dowladda ee jarista cashuurta iibka.

Mid kamid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dareemayaan culays ay soo saartay dowladda, kaas oo ka dhashay canshuurta cusub ee la saaray.

“Waxaan dareemeynaa inuu culayska nagu sii badanayo, waana arrin aan qaadi karin canshuurta cusub ee lasoo rogay” ayuu yiri mid kamid ganacsatada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ninka Marchanti lacag ka jaro EVC-gana wuu ka jari karaa sida xaqiiqda ah marka aan ka hadalno”.

Dhinaca kale maamulka gobolka Banaadir oo isna arrintan ka hadlay ayaa ka digay in suuqa uu sii xirnaado, wuxuuna ku goodiyay inuu qaadayo tallaabo deg-deg ah.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda ka dhalatay canshuurta iibka ee haatan ka taagan magaalada Muqdisho.