Xaaladdii ugu xumayd oo ka taagan Isbitaallada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido oo ku taalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ayaa waxaa xaalad gashay magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo laga dareemayo saameynta weerarkii xalay.

Isbitaallada Muqdisho oo la gaarsiiyay dhaawacyadii ugu badnaa ayaa ah halka ugu daran oo laga soo sheegayo xaaladaha adag, waxaana tiro beel noqday dhaawacyada.

Maamulka Isbitaalka Digfeer oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa farriin deg-deg ah u dira shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in isbitaalka ay ka jirto dhiig la’aan, maadaama la geeyay dadkii ugu badnaa ee xalay kusoo dhaawacmay weerarkii Liido.

Dhiiggaga la la’yahay ayaa waxaa kamid ah 0- , A-, B-,  A+ iyo  B+ oo uu maamulku dalbaday in si deg-deg ah looga caawiyo, si loo badbaadiyo dhaawacyada.

“İsbitaalka Recep Teyyip Erdoğan wuxuu ku wargelinayaa dadweynaha Soomaaliyeed in loo baahanyahay noocyada dhiigagan: 0- , A-, B-,  A+ iyo  B+” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Waxaa  si naxariis leh la idinkaga codsanayaa in qofkii dhiigiisu yahay noocyada aan soo sheegnay  uu si deg deg ah u yimaado Isbitaalka. Fadlan soo gaar isbitaalka oo dhiigaaga ugu deeq walaalka, walaasha Soomaaliyeed ee ubaahan”.

Dhinaca kale isbitaalka Kalkaal ayaa isna war soo saaray, wuxuuna maamulku sheegay in si bilaash ah uu ugu adeegayo dhaawacyada u baahan gurmadka deg-degga ah.

“Qeybteena Gargaarka Deg-dega ah (Emergency department) Ayaan si bilaash ah ugu adeegeynaa dhaawacyada nasoo gaaray” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray maamulka.

Isbitaalkan waxaa sidoo kale la dhigay ku dhowaad 70 ruux oo isugu jira dad qaba dhaawacyo culus iyo kuwo fudud, sida ay sheegeen howlwadeennada isbitaalka.

Weerarkii xalay ka dhacay Liido ee lagu dhameeyay shacabka ayaa dhacay xilli ay dad badan ku sugnaayeen xeebta, maadaama ay ahayd Jimco oo ah maalin nasasho.