Xaguu ku dambeeyey hogaamiyaha Daacish? (Maxaa ka jira wararka la isla dhex-marayo?)

Saddex sano ka hor ayaa waxaa muuqaal ka soo muuqday hoggaamiyaha ururka isugu yeera dowladda Islaamiga, Abu Bakr al-Baghdadi isagoo khudbad ka jeedinayay gudaha masaajidka weyn ee al-Nuri, ee ku yaalla Mosul.

Magaaladaas Ciraaq ku taalla ayaa waxaa qabsaday kooxdaasi iyagoo ugu dhawaaqay Khilaafi Islaami ah.

Xilligaasi kooxdu waxay gacanta ku heysay gobol la eg dalka Ingiriiska, balse tan iyo markii lagu qaaday dagaallo caalami ah ayaa laga saaray magaalooyin badan, iyada oo la ogeyn halka uu ku sugan yahay Baghdadi oo uu Maraykanku dul dhigay 25 milyan oo doolar.

Saddex sano guuradii ka soo wareegatay markii ugu horreysay uguna dambeysay ee uu Baghdadi ka soo muuqdo fagaare, ayaa kooxdan waxaa gacantooda ka baxay dhulkii badanaa ay xilligaasi maamushay, hoggaamiyahoodana warkiisa waa la waayay tan iyo markii uu taageerayaashiisa u soo diray farriin duuban.

Ayada oo ay aamusnaantiisu jirto ayaa warar aanan la xaqiijin waxa ay sheegayaan in Baghdaadi uu dhintay.

Waan dilnay Baqdaadi

Ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegay in ay u badan tahay in Baghdadi lagu dilay weerarrada ciidamada cirka ee ay ka wadaan Raqqa bishii May 28-keedii, Iran-na waxa ay ku dooday toddobaadkii lasoo dhaafay in hubaashii ninkaasi la dilay.

Sheegashadooda ayaase waxaa su’aal geliyay mas’uuliyiin u hadlay Mareykanka.

Muuqaal laga soo daayay Raqqa toddobaad ka hor markii uu soo baxay warka Ruushka ee la xiriira dilka hoggaamiye Bagdadi, ayay kooxda Dowladda Islaamiga ugu yeerta “Sheekheenna” ayaga oo aanan carrabaabin magaca Baghdadi, ayaa waxa ay su’aal geliyeen xaalkiisa sida uu yahay. Isku soo wada duub, Ururrada Taliban iyo al-Qaacida ayaa qariyay geerida hoggaamiyaha Taliban Mullah Cumar labo sano kahor.

Labada dhinacba, taageerayaashiisa iyo cadowgiisaba, maqnaanshiyaha Baghdaadi eiyadoo xaaladdan adag lagu jiro waa mid wareer iyo shaki dhalinaysa.

Maanta, dhul la xukumo ayaa sii yaraanaya, Dowladda Islaamiga ayaa isugu soo uruurtay magaalada Mosul waxaana saaran cadaadis xooggan oo uga imaanaya magaalada Raqqa, waana labadeeda caasimadood ee ku yaalla dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Dowladda Islaamiga ayaa qarxisay masaajidka al-Nuri labo toddobaad kahor, inta aysan la wareegin xoogagga ammaanka, tan oo muujineysa is beddelka dhacaya.

Baghdadi ayaa laga yaabaa inuu isku qarinayo meel loo maleynayo inay tahay caasimadda saddexaad ee Dowladda Islaamiga, oo ah deegaannada ay hadda maamusho kooxda ee labada dhinac ee xuduudda Siiriya iyo Ciraaq.

Dowladda Islaamiga ayaa deegaanka ugu yeerta Wilayat al-Furat, ama oo badanaa ka kooban magaalada Ciraaq ku taalla ee al-Qaim iyo magaalada kale ee Siiriya ku taalla ee Albu Kamal.

Xitaa deegaannada laga saaray kooxda sida Rutba, oo ah magaalo ku taalla Koofurta, kooxda la magac baxday Dowladda Islaamiga ayaa weli weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa.

Gudaha Ciraaq, goobaha sida Tal Afar iyo galbeedka Mosul, ayaa u muuqda inay yihiin muhiimadda koowaad ee xoogagga taabacsan dowladda.

Haashim Al Haashimi, oo la taliye u ah dowladda Ciraaq khabiirna ku ah arrimaha kooxaha jihaad doonka ah ayaa qaba in Al Baqdaadi uu ku dhuumaaleysanayo deegaanka Wilayat al Furat.

Mid ka mid ah kaaliyayaasha aadka ugu dhaw Al Baqdaadi Iyad Al Jamiili ayaa lagu arkay magaalada Suuriya ku taall ee Albu Kamal.

Ololaha kooxda looga sifeynayo deegaaannda ay wali gacanta ugu jira waxaa lagaa yaabaa inuu bilooyin qaato.

Xitaa haddi kooxda deegaanadaasi laga saara, waxay u badan tahay inay isticmaali doonaan saxaraha,dooxooyinka webiyada, iyo goobaha xadka ee lagu dhuumaaleysan kara si ay weerara uga soo abaabulaan.

Baghdaadi, wuxuu hogaamiyayaasha kale ee kooxaha jihaad doonka uga duwan yahay, wuxuu hadlaa oo kali ah marka ay baahi daruuri ah jirto.

Wuxuu hadlay maarkii uu khalaafada ku dhawaaqayay iyo mar uu taageerayaashiisa ka dalbanayay inay difaacdaan magaalada Mosul.

Dad aan badnayn oo ka tirsan kooxda ayaa la aaminsan yahay inay ogsoon yihiin halka uu ku sugan yahay Al Baqdaadi.

Taas ayaana ka dhigtay mid adag shaqada ciidammada gaarka ah ee Mareykanka ee baadigoobka ugu jira raadka ninkan loogu doon-doonis badan yahay dunida.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII