Xamza oo shaaciyay go’aan la xiriira doorasho qof iyo cod iyo halka lagu qabanayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan doorashooyinka dalka.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay sidii bulshada ku dhaqan Muqdisho u heli lahaayeen maamul ay iyagu soo doorteen, isla markaana ay horseed u noqonayaan sidii maamullada kale ee dalkuna hoggaankooda u soo dooran lahaayeen.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in Muqdisho ay noqon doonto halka ugu horreyso ee ay ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah, si ay shacabka soo doortaan maamulkooda.

“Gobolka Banaadir ayaa ugu horreyn doona doorashooyinka ay dadku maamulkooda ku soo dooranayaan, shacabkuna ha u diyaar garoobaan” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in caasimaddu ay lafdhabar u tahay dhaqaalaha ummadda Soomaaliyeed, sidaa awgeedna ay lagama maarmaan tahay in masuuliyad gaar ah la iska saaro sidii ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee dhiggeeda ah.

Xamza ayaa sidoo kale ku bogaadiyey maamulka Gobalka Banaadir horumarka ay ka sameeyeen dib u dhiska, bilicda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee caasimadda, isaga oo xaqiijiyey in maamulka gobolka uu labadii sano ee la soo dhaafay guulo waaweyn oo dhinacyada amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay arrimaha doorashooyinka, waxaana natiijo la’aan soo dhammaaday shirkii golaha wadatashiga qaran ee ka socday Muqdisho, sababo la xiriira is mari-waaga qodobada qaar, taas oo keentay in gebi ahaan uu madasha ka baxo hoggaamiyaha maamulka Jubbaland.