Xasan iyo madax goboleedyada oo laga dalbaday ka go’aan gaarista arrimo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada oo dhawaan lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa laga dalbaday inay si dhab ah u wajahaan xaqiiqda taagan, kana go’aan gaaran arrimaha xasaasiga ah ee horyaalla.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa wuxuu madaxda Golaha Wadatashiga u jeediyay in aysan ka meer-meerin muddo xileedka dhamaaday ee madaxda maamullada, islamarkaana ay ka go’aan gaaran, si doorashadooda loogu qabto inta sanadkaan ka dhiman.

“Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho isku imaanaya waxaan xusuusinaynaa in muddo xileedka madaxda dawlad goboleedyadu dhammaaday, halka sanad iyo lix bil oo keli ah u harsan tahay madaxweynaha iyo baarlamaanka federaalka ah. Haddaba, waxaa la gudboon in aysan waaqaca iska indha tirin, hawl ku iman doontana ka meermeerin, waana in go’aan ka soo saaraan,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa in aan wax ka baranno waayihii ina soo maray, kana fogaannaa xaalad la mid ah doorashadii 2020 oo sanadka iyo dhowrka bil dib u dhacday oo uu Madaxweynihii hore isku deyey in uu wareegto ku kordhisto muddo xileedkiisii, taasoo keentay in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dibadbaxyo iyo dagaallo.”

Sidoo kale wuxuu madaxda labada heer dowladeed usoo jeediyay in kulanka looga arrinsado sidii lagu dooni lahaa Puntland oo madasha ka maqan, si fursad iyo waqti ku filan loogu helo ka baaraan degidda hirgelinta hannaan doorasho oo kuwii hore loo maray ka hufan, kana daah-furan.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho isku imaanaya waxaan xusuusinaynaa in muddo xileedka madaxda dawlad goboleedyadu dhammaaday, halka sanad iyo lix bil oo keli ah u harsan tahay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka ah. Haddaba, waxaa la gudboon in aysan waaqaca iska indha tirin, hawl ku iman doontana ka meermeerin, waana in go’aan ka soo saaraan.

Sidii inta sanadka ka harsan loo qaban lahaa doorashooyinka dawlad goboleedyada muddo xiloodkoodu dhammaaday, sababtoo ah sharciyad la’aanta madaxda dawlad goboleedyada waxay wiiqaysaa awooddooda sharci, waxayna u nuglaynaysa rabitaanka Madaxweynaha iyo meelmarinta danihiisa shakhsiga ah oo uu muddo kororsiga ku doonayo, waxyna hubanti la’aan gelinaysaa doorashada federaalka ee 2026, taasoo halis ku ah amniga, sharciyadda dowladda iyo xasilloonida dalka.

Waa in aan wax ka baranno waayihii ina soo maray, kana fogaannaa xaalad la mid ah doorashadii 2020 oo sanadka iyo dhowrka bil dib u dhacday oo uu Madaxweynihii hore isku deyey in uu wareegto ku kordhisto muddo xileedkiisii, taasoo keentay in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dibadbaxyo iyo dagaallo.

Waa in kulanka looga arrinsadaa sidii lagu dooni lahaa Puntland oo madasha ka maqan, si fursad iyo waqti ku filan loogu helo ka baaraan degidda hirgelinta hannaan doorasho oo kuwii hore loo maray ka hufan, kana daahfuran.

In meel looga soo wada jeesto la dagallaanka kooxaha argagexisada iyo ka hortagga damaca gurracan ee Itoobiya.

Ma jirto cid kaga waaya-aragsan Madaxweyne Xasan Sheekh dhibka iyo shiddada ay leedahay muddo kororsi iyo xukun aan sharciyad lahayn.

Waxaa horyaalla hadalladii uu jeedin jiray, doodihii iyo dagaalkii hubaysnaa ee uu ka galay arrinkaas, waxaan rajaynayaa in da’da, PhD iyo doorashada labada jeer ay waaya aragnimo ku kordhin doonaan.