Xasan iyo Muuse Biixi ma waxay isku hayaan cidda Itoobiya u saxiixaysa badda mise?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu si weyn u iibinayay dhowrkii billood ee lasoo dhaafay in uusan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud diidaneyn heshiiska ay Somaliland la gashay dowladda Itoobiya, balse uu dood ka qabo cidda saxiixaysa heshiiska.

Muuse Biixi wuxuu leeyahay Xasan Sheekh isaga raba inuu heshiiska saxiixo, laakiin madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii koowaad ka jawaabaya eedahaasi ka yimid dhanka Somaliland, isaggoo hadal ka jeedinayay munaasabadda 26-ka June.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in aanay isaga iyo Muuse Biixi isku haynin saxiix, balse ay dooddiisa tahay in aan badda la bixin, mowduuca saldhiga ciidankana meesha laga saaro.

Madaxweyne Xasan wuxuu tusaale usoo qaatay heshiiska dekedda Berbera. Wuxuu xusay in heshiiskaas 69% qaadanayaan faa’iidada dowladdo ajnabi ah oo ah Imaaraadka iyo Itoobiya, halka Somaliland ay heshay 31%. Haddana sidaas oo ay tahay wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka fuqday heshiiskaas, maadaama uu yahay heshiis aan lagu qaadan karin dekedda Berbera.

Midkaan hadda la isku haystana haddii uu ganacsi ahaan lahaa wuxuu xusay madaxweyne Xasan Sheekh in aysan dhib u arki laheyn dowladda Soomaaliya. Wuxuu markale ku celiyay madaxweynaha Soomaaliya in aan la aqbaleynin nooca uu u dhigan yahay heshiiska ay Muuse Biixi iyo Abiy Axmed gaareen 1-dii bisha Janaayo ee sanadkaan, kaasi oo Itoobiya siinaya dhul, bad, saldhig ciidan iyo heshiis 50 sanno.

Addis Ababa weli waxay ku adkeysaneysa heshiiska, laakiin dhinaca kale waxaa la soo warinayaa in dowladdaha Turkiga iyo Qatar ay meel macquul ah wax u marayaan oo ay isku diyaarinayaan inay labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya arrintooda xaliyaan.

Dowladda Itoobiya ayaa habeen hore deg-deg u beenisay qoraal been abuur ahaa oo lagu sheegay inay heshiiska ka laabteen, taas oo dhinaca kale xoojisay sida ay Addis Ababa ugu diyaarsan tahay in is-afgaradkan xiisadda abuuray inuu wax u dhalo.

Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxaa hadda hortaalla inuu beddelo doodda ah Xasan Sheekh isna waa saxiix doon, oo taas beddelkeeda uu keeno aragti uu heshiiska ugu beddeli karo mid ganacsi, wallow la fahamsan yahay in Itoobiya aysan rabin heshiis ganacsi.