Sawirro: Madaxweyne Xasan oo billaabay qorshe dagaal xilli ay is-hayaan Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kulamo kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, kulamadaas oo ku saabsanaa xoojinta amniga iyo xoreynta dalka.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Saraakiisha hoggaaminaya qeybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada ayaa la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda warbixino ku saabsan howlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada.

Kulankii galabta ka dhacay xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa looga hadlay xiisadda ka soo cusboonatay dhanka Itoobiya iyo dagaalka Al-Shabaab, iyadoo lagu qiimeeyey awooda ciidan ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday kulamo hoose oo intooda badan aan warbaahinta loo soo bandhigin, kuwaas oo saraakiisha ciidamada uu la yeelanayey, maadaama uu dalku galay xaalad labaad oo dagaal ma hurto ah.

Kulanka uu Xasan Sheekh maanta tuutaha u xirtay waxaa ka horeeyey mid maalin ka hor ka dhacay xarunta habarkhadiijo oo ah taliska guud ee Hay’adda NISA, kulankaas ayaa looga hadlay xaaladda amni ee dalka, inkastoo kii maanta uu uga duwanaa in xoogga lagu saaray qorshaha sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

Labada kulanba Madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha, iyadoo si weyn loo gorfeeyey inta uu gaarsiisan yahay damaca Itoobiya, waxa Soomaaliya la gudboon iyo sida cudud military loogu difaaci karo dalka.

Saraakiisha ciidamada Militariga, Nabad Sugidda iyo Booliska ayaa kulankii maalin ka hor ka dhacay Taliska NISA ku soo bandhigay warbixin ku saabsan sida ay ugu diyaar garoobeen khatar kasta oo qaranka uga imaa karta dibadda iyo tan gudaha ee Shabaab ka imaaneysa.