Xasan oo shaaciyay in uusan diidanayn in Itoobiya hesho bad iyo shuruud uu ku xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay si qoto dheer uga hadlay xiisada badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo salka ku haysa heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya aysan isku haysan in Itoobiya badda gaarto, balse ay isku haystaan sida ay Itoobiyaanka badda kusoo gaarayaan ama wadada ay usoo marayaan.

“Waxaan isku haysanaa sidee Itoobiya badda kusoo gaaree. Dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba waxaan rabaa in aan markale u caddeeyo Itoobiya haddii ay dooneyso xeebaha Soomaaliya soo gaarto waa soo dhaweynayna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan rabnaa in ay usoo gaarto sida Uganda ay xeebta Kenya usoo gaarto, sida Burundi iyo Rwanda u gaaraan xeebta Tanzania, iyo sida Itoobiya laftigeeda xeebta Jabuuti u gaarto oo xeebta Kenya usoo gaarto oo kale ay Soomaaliya usoo gaarto.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in wax ka duwan midaasi aysan yeelayn Soomaaliya, islamarkaana sida keliya ee Itoobiya baddeena kusoo gaari karto ay tahay hab lamid ah kuwa dalalka deriska oo kale.

“Annaga iyo Itoobiya iskuma haysanno in ay Itoobiya badda gaarto, waxaan isku haysannaa Itoobiya sidee bay badda ku gaaraysaa, maaha dagaalku in ay Soomaaliya dowladda Itoobiya bad u diiddan tahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Soomaaliya mushkilad ma qabto, wax intaas ka duwan ma yeelayno, wax Soomaaliya u gaar ah oo isticmaalka baddeeda u gaar ah oo dal deris iyo mid fogba midba ka leeyihiin marnaba ma dhaceyso.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida muuqata diidan in Itoobiya la iska siiyo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, balse wuxuu ogol yahay in heshiis dekedeed la siiyo Itoobiya, si ay uga baxdo baahida badda, sida dalalka jaarka oo kale.

“Adduunyadu xeerar ayay leedahay oo ay ku dhaqanto oo dowladdaha ka dhaxeeya oo mushtamaca adduunka ku wada nool yahay, Soomaaliyana taas ay kamid tahay una hoggaansan tahay.”