Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka badbaaday lix isku day dil oo ay la beegsatay kooxda argagixisada ee Al-Shabaab tan iyo markii ugu horreysay ee la doortay sanadkii 2012-kii. Isku daygii ugu dambeeyay wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho Maarso 18, 2025.
Madaxweynaha, oo xilligaas ku sii jeeday garoonka diyaaradaha, ayaa sheegay in kolonyadiisa ay bartilmaameedsadeen argagixisadu. Waxay adeegsadeen walxaha qarxa ee gacanta lagu sameeyo (IEDs) si ay uga hor istaagaan safarkiisa uu ugu biirayay ciidamada Soomaaliya ee kula dagaallamaya Al-Shabaab HirShabeelle, balse isku daygoodaas wuu fashilmay.
“Qorshahoodu wuxuu ahaa inay aniga iyo wafdigayga naga hor istaagaan inaan gaarno jiidda hore ee dagaalka si aan ugu biirno ciidamada Soomaaliya ee la dagaallamaya, laakiin way ku guuldarreysteen,” ayuu yiri Madaxweyne Maxamuud.
Wareysi gaar ah oo uu weriye ka tirsan Nation Media, David Okwemba kula yeeshay Villa Soomaaliya, Madaxweyne Maxamuud wuxuu wacad ku maray inuu dagaalka gaarsiin doono meelaha ay Al-Shabaab ku xooggan yihiin, isagoo ugu dambayn ka ciribtiraya guud ahaan Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ka hadlay dib u soo celinta dimoqraadiyadda Soomaaliya iyadoo loo marayo codbixin guud oo qof iyo cod ah.
Halkan waxaa ku xusan qaybo muhiim ah oo ka mid ah waraysiga:
Su’aal: Waxaad ku sugnayd jiidda hore adigoo hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Guul ma ka gaaraysaan, marka la eego inay dhawaan weerareen kolonyadiina?
Jawaab: Waxaan xoojinnay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee labada dhinac – kan fikirka iyo kan dhaqaalaha. Dhanka fikirka, waxaan hawlgelinnay in ka badan 300 oo culimo Islaami ah oo magac leh si ay u buriyaan aragtida qalloocan ee Al-Shabaab ee ah in dagaalka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed uu yahay mid diini ah.
Culimadu si cad ayay u cambaareeyeen kooxda, taasina waxay keentay in dadku ay bilaabaan inay ka fogaadaan. Waxaan sidoo kale bilownay barnaamijyo aan ku baahinno telefishinnada maxalliga ah si aan bulshada uga wacyigelinno falalkooda gurracan. Diinta Islaamka iyo Qur’aanka Kariimka ah midna ma oggola daadinta dhiigga qof aan waxba galabsan. Waxaan xusuusannahay Oktoobar 14, 2018, markii ay halkan Muqdisho ku dileen in ka badan 800 oo qof oo Soomaali ah oo aan eed lahayn.
Marka labaad, waxaan ka xannibeynaa ilaha dhaqaalaha ee ay ka helayeen lacagaha ay baad ahaan uga qaadanayeen dadka iyo ganacsiyada Soomaaliya. Waxaan xirnay qaar badan oo ka mid ah xisaabaadkooda bankiyada iyo sidoo kale hababkii ay lacagaha ku urursan jireen ee moobayllada.
Su’aal: Kolonyadiina waxaa bishii hore (Maarso) weeraray isla kooxdan argagixisada ah. Sidee u aragtaa sheegashadooda ah inaad ku fashilantay inaad gebi ahaanba burburiso?
Jawaab: Al-Shabaab waxay sameeyeen lix isku day oo ay doonayeen inay igu dilaan tan iyo 2012-kii, markii iigu horreysay ee la ii doortay Madaxweynaha Soomaaliya. Isku daygii koowaad wuxuu dhacay xitaa ka hor intaanan u soo guurin Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Dilkaygu wuxuu ahaa hadafkooda ugu weyn.
Laakiin annaga ayaa dagaalka ku qaadnay. Tan iyo 2022, markii aan xilka la wareegay mar labaad, waxaan sameynay horumar weyn oo aan ku daciifineyno awooddooda. Inkastoo ay jireen caqabado iyo dib u dhacyo, weli waxaan ku guda jirnaa hawlgalka, guul ayaana ka gaareynaa.