Xasan Sheekh iyo Afwerki oo isla qaatay laba arrin oo xasaasi ah

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Asmara kulan xasaasi ah kula qaatay dhigiisa Eritrea Isaias Afwerki.

Kulankaan ayaa waxay labada hoggaamiye uga wada-hadleen xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arimaha Geeska Afrika oo Itoobiya ay qalalaase ka abuurtay, iyagoo isla qaatay arrimo dhowr ah.

Labada hoggaamiye ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arrimaha ilaalinta madax-bannaanida, xuduudaha dhuleed iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay labada madaxweyne tilmeemeen in dhisidda dowlad xooggan oo horumarsan ay mar walba ku xiran tahay dhisidda hay’ado madax-bannaan oo awood leh, sida kuwa amniga iyo difaaca.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa Eritrea ayaa sidoo kale ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee Eritrea ka qaadato tababarka ciidamada Soomaaliya, iyagoo isku raacay in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada kale si looga hortago caqabadaha horumarineed ee Soomaaliya ka jira.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa haatan ka shaqeynaya sidii labada dal ay ugu midoobi lahaayeen cadowgooda Itoobiya, oo iyadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada Soomaaliya.

Itoobiya ayaa heshiis sharci darro ah la saxiixatay Somaliland, kaasi oo u gogol xaaraya in Itoobiya ay hesho dhul badeed, waxaana is-afgaradkan meel adag iska taagtay dowladda federaalka ah oo ayadu caalamka tustay gardarrada Itoobiya iyo cawaaqibta ka dhalan karta.