Xasan Sheekh iyo xaqiiqada dagaalka oo is khilaafsan – Maxay yihiin isdiidooyinka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkan ku khudbeeyay in aysan jirin goob ay ciidanka dowladda ka qabsadeen argagixisada oo ay kadibna dib uga soo baxeen, taas oo aad uga fog xaqiiqada dagaalka ee taalla dhulkii lagu diriray.

Degmada Ceelbuur iyo deegaanafa Wabxo, Caad, Cowsweyne, Camaara, Ceela-helay, Ceel-garas, Galcad iyo deegaano kale oo ciidanka dowladda qabsadeen, qaarkoodna ay rag badan oo muhiim ah ku dhinteen qabashadooda ayaa dib looga soo baxay, oo ay dib ula wareegtay argagixisada.

Madaxweynaha isaggaa horey ugu baaqay in aan dagaalka la siyaasadeyn, balse sida muuqata isaga ayaa asbuucan isku dayey inuu siyaasadiisa iyo waxgaradkiisa ku xoojiyo wax ka fog dhabta dagaalka ee taalla furimaha, xilli ay xukunkiisa ka harsan tahay hal sano iyo toban billood.

Iyada oo aanay jirin dhibaato argagixisada ka daran oo taalla Soomaaliya, haddana madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la gudboon inuu umadda Soomaaliyeed runta u sheego, waxa qaldan u sheego, danihiisa siyaasiga ah iyo xaalka dagaalkana kala sooco.

Dadka Soomaaliyeed waxay sugayaan in dib loo bilaabo dagaalka. Argagixisada waxay heshay nafis dhowr dhinac ah, tan iyo markii uu istaagay dagaalkii tooska ahaa ee ay dowladda iyo dadka deegaanka ku hayeen argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa weli wasiirka gaashaandhiga u ah Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), halka uu taliyaha xoogga u yahay Ibraahim Sheekh Muxiyadiin. Labadaas nin oo ay si weyn u masuugsan yihiin ayuu madaxweyne Xasan Sheekh weli kaga fadhiya fulin, qorsheyn iyo guul dagaal.

Markii la fiiriyo labadaas nin ee ay shacabka iyo ciidanka sida weyn u masuugsan yihiin iyo dalaaliinta kale ee dagaalka ee madaxweynaha ku hareeraysan waxaa shaki ka galayaa in daacad laga yahay in lasoo afjaro argagixisada.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa la yaab ku tilmaamay sida ay isku khilaafsan yihiin hadalka madaxweyne Xasan Sheekh iyo xaqiiqada dagaalka.

Dadka Soomaaliyeed ee wax-galka ah ee la socda xaalka dhabta ah ee dalka iyo culeyska argagixisada, waxay ku talinayaan in diirada la saaro muddada yar ee madaxweynaha u dhiman in kooxda ugu yaraan 80% la wiiqo.

Tan oo macnaheedu yahay in laga howl-galo deegaanada ay kaga harsan yihiin Galmudug iyo HirShabelle, kadibna loo gudbo deegaanada ay ka joogaan Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda aad ugu xoogan tahay, welina aan shaqo laga qaban.

Waqtigii uu madaxweyne Xasan Sheekh horey u qabsaday inuu kusoo afjari doono kooxaha argagixisada ayaa suurtoobi waayay.