Madaxweyne Xasan Sheekh: Ma isagaa dacwo iska ah mise?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmo kahor ku baaqay inay dadka Soomaaliyeed ka fogaadaan hadallada qabyaaladda ku dheehan tahay, kuwaas oo sii kala fogeynaya shacabka, faa’iidoona siinaya cadowga.

Hadalka madaxweynaha ayaa daba socda kadib markii dad isaga ku xisaab ah ay qabiileeyeen difaaci dalka, kadibna ay ku hanjabeen inay xildhibaanno deegaan gaar ah metala guryahooda ugu dhici doonaan.

Jawaab celintii ay dhinaca kale ka bixiyeen arrintaan ayaa buuq qabiil abuurtay. Fariinta madaxweynaha waxay aheyd baaq waxayna aheyd mid loo baahna, laakiin dad badan oo Soomaaliyeed ayaa kalmada madaxweynaha mid kale oo dhab agdhigtay.

Qofka madaxda ah ee qabyaalad diidka ah waxaa laga rabaa inay taasi ka muuqato xukunkiisa iyo dhaqankiisa. Laba qabyaalad ayaa taalla Soomaaliya, mid waa midda afka ee ka socoto baraha bulshada, midna waa tan xukunka madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha khudbadiisa Jimcihii kuma soo hadal qaadin hab xukunkiisa qabyaaladeysan, waana iska indho tiray, wuxuuna taas bedelkeed aad uga hadlay qabyaaladda ka socoto baraha bulshada.

Haddaba, Yaa daran qabyaaladda afka iyo midda qalinka?

Dabcan ma jiraan wax ka daran in nidaamka dowliga ah lagu dhex faafiyo qabyaalad iyo eex, taas oo umadda Soomaaliyeed usii kala fogeynaysa si weyn. Qabiil iyo qabyaalad farqi ayaa u dhaxeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa muddo xileedkii hore lagu haystay, haddana lagu haystaa in aanay umadda Soomaaliyeed u sineyn oo reerkiisa hoose ku naas-nuujiyo xukunkii iyo dowladnimadii ka dhaxeysay umadda Soomaaliyeed.

Qandaraasyada ay dowladdiisa bixisay illaa iyo hadda wuxuu madaxweynaha ku taxay reerkiisa hoose. Shaqaalihii ugu badnaa ee la qoray tan iyo markii uu xukunka kusoo laabtay wuxuu 80% siiyay reerkiisa hoose.

Sidoo kale la-taliyeyaashi ugu badnaa ee madaxweynaha magacaabay waa isku dhari, ciidankii ugu badnaa ee waayahan uu qoreyna waxa uu ka qoray beeshiisa hoose, haddana isla madaxweynahaas ayaa dadka uga digaya qabyaalad.

Xasan Sheekh waxaa hortaalla inuu iswaafajiyo ficilkiisa hoggaamineed iyo farriimihiisa. Dadka Soomaalidu hadda waxay soo gaareen marxalad aanay wax walba oo hadal ah sidiisa u qaadaneyn oo ay eegayaan waxa ka dhab ah ama hab-dhaqanka qofka hadlaya.

Si ay dadka Soomaaliyeed dhab ugu qaatan hadalka madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu marka hore hakiyaa madaxweynaha hakiyaa qabyaalada iyo eexda ka dhex jirta dowladdiisa ayey leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee liqi waayey farriintii Jimcihii ee madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo dhinaca kale xogagaal u ah waxa ka dhex socda dowladdiisa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inkasta oo wax badan ka haleeyay dowladnimada Soomaaliya, haddana weligiis laguma eedeyn inuu yahay siyaasi reerkiisa u boobay dowladnimaddii umadda ka dhaxeysay.

Soomaaliya waxay u baahan tahay inay shacabka qabyaaladda afka ah dhaafan, madaxduna qabyaaladda qalinka dhaafto.