Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xiriirka dowladda Soomaaliya la leedahay quwadaha shisheeye, sida Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo Mareykanka, oo hadda ah saddex dal ee ugu saameynta badan Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibedda ee xukuumaddiisu ku dhisan tahay iskaashi ay Soomaaliya kula jirto cid kasta oo dan wanaagsan ka leh dalka, iyadoo lagu saleynayo mabda’a ah nabad iyo is ixtiraam.
“Waxaan ku shaqeynaa hal mabda’ oo asasi ah: Soomaaliya oo nabad la ah gudaha dalkeeda iyo deriskeedaba. Dal walba waxaan ula macaamilnaa si waafaqsan qaabka ay noola macaamilaan,” ayuu yiri.
Isagoo tusaale u soo qaatay Turkiga, ayuu xusay in dalkaasi uu maalgelin ku sameynayo dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya, halka shirkado Mareykan ah ay maalgeshanayaan qeybta shidaalka iyo gaaska.
“Turkigu wuxuu maalgelinayaa dhaqaalaha buluugga ah. Laakiin ma ahan dalka keliya ee shisheeye ee raba inuu Soomaaliya maalgeshto; waxaa sidoo kale jira shirkado Mareykan ah oo maalgelinaya qaybaha shidaalka iyo gaaska. Dhammaan hawlahan waxaan u wadnaa si waafaqsan sharciga, oo leh daahfurnaan buuxda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dowladda Turkiga ayaa toddobaadkan kordhisay joogitaankeeda milateri ee Soomaaliya, ka dib markii Al-Shabaab ay dhawaan weerar culus ku qaadday meel ku dhow Muqdisho. Tallaabadan ayaa ka dhalatay walaaca sii kordhaya ee Ankara ka qabto xaaladda amni ee dalka, sida ay ilo dhowr ah oo xog-ogaal u ah arrintan u sheegeen Middle East Eye.
Toddobaadkan gudihiisa, Turkiga wuxuu Soomaaliya geeyay ciidamo ku dhow 500 oo askari. Tiradan ayaa ku dhowaad laba-laabaysa shaqaalaha milateri ee Turkiga ee Soomaaliya horay u joogay.
Ciidamadan cusub ayaa loo xil-saaray inay ilaaliyaan oo ay dayactiraan saldhigga milateri ee Turkiga, ee loo yaqaanno Turksom. Sidoo kale, waxay hawl-gelin doonaan diyaarado aan duuliyaha lahayn oo hubeysan oo lagu weerari doono Al-Shabaab, waxayna sugayaan amniga dekedaha Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ku adkeystay in siyaasadda xukuumaddiisu tahay mid u taagan ilaalinta madax-bannaanida dalka, iyadoo aan la oggolaan doonin faragelin shisheeye oo carqaladeyn karta siyaasadda gudaha.