Xasan oo laga lumiyay furihii BF – Sidee wax u dhaceen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamadiisa loo xayiray cabsi laga qabo inay gacanta iskula tagaan xildhibaanno dhawaan warbaahinta iskaga hanjabay.

Xildhibaanno dhanka madaxweynaha raacsan reer ahaan iyo siyaasad ahaanba iyo kuwo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed oo taageeray dadkii dhawaan isugu soo baxay degmooyinka Xudur iyo Waajid ayaa warbaahita, kulamo caadi ah iyo telefoono iskaga hanjabay.

Sida aan kasoo xiganay mudnayaal ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe ayaa si weyn ugu mashquulsan inuu xaliyo xiisaddan.

Inta uu xiisaddan ka xalinayo waxaa la sheegay in guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu go’aansaday in uusan furin golaha shacabka, si looga baaqsado in ay xaaladdu kasii darto.

Haddaba, inuu golaha furmi waayo iyo inuu sii kala qeybsamo yaa dhib ku qaba?

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu dhawaan golaha wasiirrada ee dowladda federaalka ah marsaday sharciga doorashooyinka iyo midka axsaabta, iyada oo mucaaradka ay diidan yihiin.

Waxaa kale oo marhore baarlamaanka loo gudbiyay sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka. Fadhiyada soo socda ee baarlamaanka waxaa la rabay in saddexdaas arrimood diirada la saaro, laakiin hadda jihadii baarlamaanka waa kala qeybsantay.

Xildhibaanno rabay inay madaxweynaha iska iibiyaan oo sidaasi wax uga qaatan iyo qaar difaacanaya xilal ay hadda haystaan iyo sidoo kale dhalinyaro siyaasadda ku cusub oo hab beel isku abaabulay ayaa Xasan Sheekh liin uga dhiijiyay baarlamaankii isugu toosnaa ee uu aamisnaa inay si fudud sharciyaddan kusoo marin doono.

Hadda in sharci la mariyo baarlamaanka waxaa ka horreysa in laga doodo ma kala badbaadi doonaan xildhibaannada haddii uu kulanka qabsoomo, iyada oo labada dhinac si weyn iskugu hanjabeen.

Kala qeybsanaantan iyo baaqashadan aad ayey u dhibaysaa madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda si weyn ugu mashquulsan sidii uu kursiga kusii haysan lahaa.

Dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya ayaa qaar aaminsan yihiin in sida ay u dhaqmeen xildhibaannada taageersan madaxweyne Xasan Sheekh inay adkeyn karto in wixii hadda ka dambeeya si fudud lagu marsado baarlamaanka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo waayahan dambe siyaasadiisa furo u noqdeen xildhibaanno ku cusub siyaasadda, iskana tuuray jilib culustii la joogi jirtay ayaa la sheegay inuu hadda xoog badan gelinaayo in xiisaddan laga damiyo si uu danihiisa uga gaaro baarlamaanka.

Ma cadda inuu Sheekh Aadan Madoobe si deg-deg ah uga guuleysan doono xalka howshan, iyada oo kulamo arrintaan la xiriira oo qabsoomay 48 saac ee lasoo dhaafay la sheegay in aanay kasoo bixin natiijooyin wax ku ool ah.