Xasan Sheekh oo sameeyay ballan-qaad culus oo la xiriira doorashada soo socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa mar kale ka hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka dalka, isaga oo sameeyay ballan qaad la xirira inay dalka gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka ay ka dhici karto doorasho ay ka qayb-galayaan dadweynaha Soomaaliyeed, isla markaana dowladdiisa ay taasi ka shaqeyn doonto.

“Dalka doorasho qof iyo cod ah waa ka dhici kartaa annaga ayaa nagala rabaa sida ay ku dhici lahayd inaan la imaano howl annaga noo taallo waayay ” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay haddii ay dhici wayso doorasho qof cod ah in ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan inta haysa hoggaanka dalka oo uu isaga ugu horeeyo.

“Haddii ay berri doorasho qof iyo cod ah dhici wayso cilad aan annaga leenahay waayay, dalkuna malaha dadka Soomaaliyeedna malaha, dowladda Soomaaliyeed iyo hoggaamiyeyaasheeda iyo ciidamadeeda ayaa ka mas’uul ah” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri madxweynuhu “Aad iyo aad ayaa ugu kalsoonahay in doorashadaasi noocaasi ah inay dalka ka dhaceyso”.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa meesha ka saaray cabsida laga qabo ammaanka, gaar ahaan weerarada Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in aysan noqon karin mar marsiiyo arrintaas.

Dowladda federaalka ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u ballan qaaday in dalka gaarsiineyso doorasho qof cod ah, si ay dadka Soomaaliyeed ay codkooda ugu soo doortaan hoggaamiyaha ay rabaan, taas oo meesha ka saareyso in dib lagu laabto doorashooyinkii hore ee ka dhacay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeeda dowladda ayaa si weyn uga biyo diidan qorshaha Xasan Sheekh oo ay horay ugu jeediyeen inuu isku soo koobay talada dalka.