Xasan Sheekh oo sameeyay ballan-qaad la xiriira labada sano ee soo socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad ka jeediyay bandhigga waxqabadka xukuumadda DanQaran ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka.

Xasan Sheekh ayaa si gaar ah hadal jeedintiisa diiradda ugu saaray horumarada dowladda, wuxuuna sheegay in labada sano ee soo soctaa ay ka wanaagsanaan doonaan, labadii sano ee u dhammaatay dowladdiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay soo socoto mashaariic waa wayn, isla markaana ay wax badan u tari doonaan shacabka Soomaaliyeed.

“Labada sano ee soo socotaa waa ka duwanaan doonaan, labadii sano ee la soo dhaafay, mashaariic aad u waaweyn ayaan soo kordhin doonaa, waana balan qaadeynaa taas” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiaqay in aan la in kiri karin waxqabadka dowladdiisu la timid labadii sano ee la soo dhaafay  taasi oo uu sheegay inay ku timid midnimada iyo wadashaqeynta dawladda dhexdeeda.

“Orodkii iyo xawaarihii aan labo sano ku soo gaarnay, labada sano ee dhiman waa in aan ka sii dheeraynaa, kana duwanaadaan kuwii hore, mashaariic aad u waaweyn ayaan soo kordhin doonaa waana balan qaadaynaa taas” ayuu mar kale Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa kusoo aaday xilli haatan dowladda federaalka ay la kulmeyso mucaarado xoogleh oo aad u dhaliilsan, sida ay wax ku wadaan Xasan iyo Xamza, waxaana kamid ah xubaha sida wayn u dhaleeceeya hoggaanka dalka xildhibaano ka tirsan labada Gole.