Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan weli go’aan ka gaarin in uu mar kale isu soo taago doorashada madaxtinnimada ee la filayo sanadka 2026, balse wuxuu xusay in mudnaanta koowaad ee xukuumaddiisa ay tahay sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u soo celinta dimuqraadiyadda dalka.
Madaxweynaha oo wareysi siiyay Nation Media ee Kenya ayaa sheegay in amniga caasimadda Muqdisho si weyn u soo hagaagay tan iyo markii uu mar labaad xafiiska la wareegay 2022, xilli uu dalku wajahayo caqabado badan oo dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.
“Waxaan doonayaa inaan hagaajiyo xaaladda Soomaaliya, tan deriskeenna sida Kenya, iyo cid kasta oo kale oo rabta inay nala shaqeyso, ha ahaato Mareykanka ama shirkadahooda gaarka ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. “Amniga Muqdisho si weyn ayuu u soo hagaagay tan iyo 2022 markii aan xafiiska la wareegay. Waxaan la kulmi jirnay qaraxyo ku dhowaad bil walba, laakiin hadda si aan caadi ahayn ayay u yaraadeen.”
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isbeddelada dhanka amniga ay horseedeen koboc dhaqaale iyo mid dhisme oo laga dareemayo caasimadda, isagoo tusaale u soo qaatay suuqa ganacsiga oo sii fidaya.
Inkasta oo aanu si cad u sheegin in uu tartanka ku jiri doono, haddana wuxuu carabka ku adkeeyay in go’aankaas uu ku xiran yahay xaaladda siyaasadeed marka la gaaro xilligii doorashada.
“Hadafkayga ugu weyn waa inaan Soomaaliya ku soo celiyo dimoqraadiyad dhab ah. Marka la gaaro xilliga doorashooyinka, waan ka fiirsan doonaa go’aankayga ku aaddan tartanka,” ayuu yiri.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in waxqabadkiisa ugu weyn muddadii uu xafiiska joogay ay tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaalka lagu doonayo in dalka looga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, taasoo uu sheegay inay tahay tiir-dhexaadka siyaasaddiisa.
“Waxaa la igu doortay barnaamij salkiisu yahay la dagaallanka argagixisada iyo soo celinta dimuqraadiyadda Soomaaliya. Kaasi wuxuu ahaa ajandahaygii doorashada, haddii aad dib u eegto barnaamijkaygii siyaasadeed ee doorashadii hore, waxaan ku guuleystay inaan si weyn u wiiqo awooddii Al-Shabaab,” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in uu si shaqsi ah u booqday jiidaha hore ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo sheegay in ciidamada dowladda ay xoreeyeen ku dhawaad 80 deegaan oo ku yaalla dhulka miyiga ah.
“Waxaan shakhsi ahaan tegay jiidda hore ee dagaalka, waxaana xoreynay ilaa 80 deegaan oo ku yaalla dhulka miyiga ah ee Soomaaliya,” ayuu xusay.
Diiwaangelin cod-bixiyeyaal oo socota
Dhanka siyaasadda, madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu ku dadaalayo in doorashada soo socota ay noqoto mid shacabka si toos ah codkooda ugu dhiibanayaan, isagoo sheegay in xisbiyada siyaasadeed ee dalka ay u diyaarsan yihiin ka qaybgalka doorashada.
“Waxaan hadda leenahay afar xisbi siyaasadeed oo sharciyeysan, waxaana socota diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha. Waxaa laga joogaa ku dhawaad 60 sano markii ugu dambeysay ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay codkooda si toos ah ugu dhiibteen sanduuqa doorashada. Waxaan rabaa inay taasi mar kale dhacdo doorashada soo aaddan,” ayuu yiri.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in, inkasta oo dadka Soomaaliyeed ay yihiin ku dhowaad 20 milyan, haddana haddii labo milyan oo qof ay heli karaan fursad ay si toos ah codkooda ugu dhiibtaan, uu taas u arko guul weyn.
“Dadka Soomaaliyeed waa ku dhowaad 20 milyan, laakiin haddii aan awoodo in xitaa laba milyan oo qof ay si toos ah u doortaan madaxdooda, waxaan dareemayaa inaan gaaray hadaf weyn,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Su’aal la weydiiyay oo ahayd in qorshahan uu suuragal ka yahay marka la eego xaaladda amniga ee dalka iyo weliba maamulidda Al-Shabaab ee qaybo ka mid ah dalka, ayuu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in wax badan ay iska beddeleen xaaladda amniga, isla markaana la dareemayo xiiso ballaaran oo ku aaddan diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
“Waxaa jirta xiiso iyo xamaasad weyn oo loo qabo diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Al-Shabaab waxaa lagu khasbay inay dib ugu gurtaan deegaannada miyiga ah. Halkan Muqdisho gudaheeda, dad badan oo aan hore u helin fursad ay ku codeeyaan ayaa aad u daneynaya inay isticmaalaan xaqa ay dastuurku siinayo ee ah inay doortaan hoggaamiyeyaashooda,” ayuu yiri.
Madaxweynuhu wuxuu mar kale ku celiyay in haddii uu hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, ay taasi noqon doonto guusha ugu weyn ee noloshiisa siyaasadeed.
“Haddii aan ku guuleysto hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, waxay ii noqon doontaa guusha ugu weyn ee aan noloshayda gaaro,” ayuu yiri.