Cinwaanka Maqaalka waa googaaleysi soomaaliyeed oo xambaarsan murti qoto dheer waana dhaqan wanaagsan oo soomaalida lagu yaqaana in ay Googaa iyo Cadala su’aalaha xiligaa jooga isku weydiiyaan .Googaaleysigan wuxuu ka hadlayaa xero ay ku xareysantahay Lo’ farabadan marka aad dusha ka aragto waxaa kuu muuqanaya wax aad mooda Ulo dhaadheer oo ah Geesaha Lo’da marka aad is tirahdid bal hal ul ka soo qaado waaba geesihii Lo’da oo ma qaadan kartid waa su’aasha jawaabteeda oo ah geesaha Lo’da waxay tilmaameysaa wax badan oo aad u malaysid in ay wanaagsanyihiin oo hadana wanaagsaneyn , wax badan oo aan tayo lahayn, hadii aan maah-maahyo kale soo qaadano waxa jirta maah maah English ah oo oraneysa all that gilitors are not gold carabi ahaana ku noqoneysa ليس كل ما يملع دهبا oo ah waxa dhaldhalaala oo dhan dahab ma ahan . reer baadiyuhu waxay yirahdaan dhaan dabagaale oo ah marka aad safar ku jirtid waxaad arkeysaa meel kaa horeysa oo ay wax ka birqayaan marka aad timaadidna wixi aysan kuu muuqaneyn . maah-maahyada, googaaleysiga iyo tusaalahan aan soo qaatay waxan uga gol leeyahay Tayo la’aanta waxbarasho ee dalkeena ka jirta oo maanta malaayiin soomaali ah ay wada qaateen degreega 1-aad ee Jaamacad ama midka 2-aad halka degreega ugu danbeeya uu soo xoogeysanaya qaadashadiisa . jaamacadihii oo batay oo aanan lahayn wax nidaam dowli ah oo kala haga ayaa waxay keentay in jaamacad kasta ay bixiso degree waxbarasho oo ardayga la siinaya uusan xambaari Karin awoodna uusan u lahayn in uu beri la soo ban baxo ama la soo shir tago .marka laga hadlaya jaamacadaha waxaa jira kuwo xarumo leh iyo kuwo aanan xarumo lahayn oo magac ahaan u jira hadana bixiya Shahaadooyinka , waxaa horay dalka uga jiray adeega Cabdala shideeye oo ahaa khatar dalka ka jirtay oo keeneysay in la aamini waayo documintiyadeena jaamacadahan badan ee iska furan ee aanan lahayn nidaam dowli waxay sii kordhiyeen khatarta waxbarasho ee dalka ka jirta. tayo la’aanta waxbarasho ee dalka ka jirta waxay keentay in ardayga soomaaliyeed uu waxbarashada ka bilaaba Master Degree oo ah Degreega 2aad ee jaamacad bixisa waayo ardayga waxaa u sahlan in degreega 1aad uu si sahlan ku helo isla markaasna uu aada dalka dibadiisa ardaygiina sanad kadib ku soo laabta dalka isagoo sita degriiga 2aad ee ah Master-ka . waxan is weydiin karnaa arday soomaaliyeed oo aada dal shisheeye muda sanad ahna soo joogay horayna aan wax u baran . sanadka ma dhaqanka dalkaas ayuu ku fahmaa mise waxbarasho ayuu soo dhameystaa , waxan ka hadlayaa waa ardayga aanan soo marin nidaam waxbarasho sax ah .
DHIBAATADA UGU WEYN EE AY LA TIMID TAYO LA’AANTA WAXBARASHO
Dhibaatada ka dhalatay tayo la’aanta waxbarasho waxa ka mid ah in uu soo baxo siyaasi tayo la’aan ah ugu danbeyna waxa imanaya madaxweyne tayo la’aan ah waxaana dhalanaysa in dalka uusan horumar gaarin waligii .
FAAIDADA LA TILMAAMI KARA EE KA DHALATAY TAYO LA’AANTA WAXBARASHO EE DALKA
Waxaa abuurmay fursado shaqo oo u badan macalinimo, waxaa loo soo jeestay in buug la qaato ugu yaraan maalmo, bilo ama sanado halkii qori lagu ordi jiray
TALO SOO JEEDIN
Waxan soo jeedinayaa in la helo nidaam waxbarasho dowli ah oo sax ah , in la yareeyo waxbarashada gaarka loo leeyahay , way soo dadaaleen oo dalki isagoo dowlad la’aan iyo burbur ku jira ayay waxbarashadii kor u soo qaadeen laakiin mar hadii tayo laaanta ay badatay waa in laga fikiraa sidii loo yarayn lahaa , waa in la soo celiyaa nidaamkii waxbarasho ee uu dalku lahaa lana soo celiyaa dhamaan goobihii waxbarasho ee uu dalku lahaa ee sida gaarka ah loo adeegsada. Waa in ay bilaabataa wacyigelin waxbarasho oo dhab ah si ugu yaraan loo soo celiya tayadii waxbarashoo ee nalagu yiqiin si caalamka noo aamino . waa in wasaarada waxbarashada ay qaatataa door shariif ah oo ku aadan sidii tayada waxbarasho ee dalka dib loogu soo celin lahaa , waa in la diyaariyaa imtixaano adag oo lagu kala saaraya qofka dadaalay ee waxbartay iyo midka aan waxbaran marka ay timaada shaqa bixinta
Waxaan soo jeedinayaa in maqaalkan loo qaato in uu yahay maqaal wa dhisaya ee aan loo qaadan mid wax duminaya
GEBAGABO
Waxaan u baahanahay Tayo ee uma baahnin tiro
Waad mahadsantihiin
W/Q. Saaxibkiin Ahmed Abdi Hassan
E-mail: ashrafsom@gmail.com