Xiisad horleh oo kasoo cusboonaatay PUNTLAND kadib dil loo gaystay…

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in haatan xiisad culus ay kasoo cusboonaatay magaalada Burtinle ee gobolkaasi, taas oo ka dhalatay dil ay ciidanka Booliska u gaysteen nin baxsad ah oo gaari soo dhacay.

Ninka oo gaariga kala soo baxsaday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa tegtay degmada Burtinle, waxaana kadib isku dayay inay qabtaan ciidamada ammaanka, balse uu iska rasaaseeyay, taas oo keentay in isagiina la dilo, askari kalena uu dhaawacmay.

Dilka kadib ayaa waxaa gadood sameeyay maleeshiyaad is uruursaday oo ku hayb ah ninka la dilay, waxayna ku sugan yihiin qaybo kamid ah degmada Burtinle ee Puntland.

Xaalad kacsan iyo dhaq-dhaqaaqyo ayaa haatan laga dareemayaa halkaasi, maadaama ay ku wada sugan yihiin ciidamada Booliska iyo maleeshiyaadka ka careysan dilka marxuumka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in aan weli la aasin maydka ninka ay dileen ciidanka ammaanka, waxaana maleeshiyaadka ay dalbanayaan in lagu soo wareejiyo.

Waxaa sidoo kale Burtinle gaaray saraakiil ay kamid yihiin taliyeyaasha booliska ee gobollada Nugaal iyo Mudug ee Puntland, kuwaas oo ku baxay xallinta xiisaddaasi.

Puntland ayaa waxaa ku badan isku dhacda hubeysan ee dhex-mara maleeshiyaadka iyo ciidanka ammaanka, waxaana horay deegaano ka tirsan maamulkaasi ugu dagaalamay Booliska iyo maleeshiyaad kale oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.