Xiisada Carabta: Masar oo qaaday tallaabo daan-daansi oo ka dhan ah Turkiga

Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa qaaday tallaabo daandaansi ah oo ka dhan ah Turkiga kadib markii ay xanibtay website-yada dalka Turkiga ugu caansan in laga soo booqdo dalkeeda, xilli xiisadda dalalka Carabta ay kasii dareyso.

Website-yada laga mamnuucay ayaa waxaa ku jira website-ka wargeyska caanka ah ee Daily Sabah iyo website-yada kale ee Turk Press, Arab Turkey, Akhbar Turkiya iyo Akhbar al-Alam.

Website-ka Masar ee Mada Masr ayaa sheegay in tirada website-yada ay Masar xanibaadda saartay ay gaareyso illaa 54 oo laga aqristo akhbaaraad dhex dhexaad ah oo ku saabsan xiisadda ka dhex oogan dalalka gacanka carbeed.

Masar ayaa horey dalkeeda uga mamnuucday in laga booqdo website-yo ay ka mid yihiin Aljazeera, Huffington Post Arabic, iyo Al-Borsa, oo ah website qora arrimaha maaliyadda oo si aad ah loo booqdo.

Ilo-wareedyo amni oo Masaari ah ayaa sheegay in website-yadan loo xanibay ay ku xiran yihiin ururka Ikhwaanul Muslimiin, oo taageero maaliyadeed ka hela dalka Qatar, inkasta oo arrintaas aysan jirin.

Tallaabadan cusub ee Masar ayaa muujineysa in xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka ay si aad ah isugu dayayaan inay maamulaan qul-qulka akhbaaraadka dhex dhexaadka ah oo ay dhibsanayaan, si dadka Masaarida loogu shubo warar dacaayad ah oo ka dhan ah dalka Qatar.

Dadka arrimahan fallanqeeya ayaa tallaabada Masar ku macneeyey daandaansi ka dhan ah Turkiga, oo lagu tijaabinayo dulqaadka madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, oo la safan dadka iyo dowladda Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com