Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gedo ayaa sheegaya in haatan xiisad u dhexeysa maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ay mar kale kasoo cusboonaatay gobolkaasi, gaar ahaan degmada Beledxaawo oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaayqo iska soo horjeedo.
Xiisadda cusub ayaa timid, kadib markii Axmed Madoobe uu dul degay degmadaasi, isaga oo u diray mas’uuliyiin iyo ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland.
Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye oo kasoo jeedo Gedo, isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo arrimaha gudaha Golaha Shacaka ayaa si adag uga hadlay xiisadda sida guud uga soo cusboonaatay gobolka Gedo, wuxuuna kasoo saaray digniin culus.
Nuur Axmed ayaa shaaca ka qaaday in Axmed Madoobe uu rabo inuu qabsado gobolka, isla markaana uu dul dagay shacabka degmada Beledxaawo, sida uu hadalka u dhigay.
“Qolada soo dul degtay Beledxaawo waxaan leenahay gadaal uga noqda Beledxaawo dhib uma baahna, duulaana uma baahna” ayuu yiri Xildhibaan Nuur Axmed.
Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Magaalooyinka kale maa la dul dago, maxaas qaas ku ah Beledxaawo arrintaas waa mid si gaar ah aan farta ugu fiiqeyno?”.
Waxaa kale oo uu farriin culys u diray ciidamada dowladda ee ku sugan degmooyinka Gedo, wuxuuna tilmaamay in iyagu ay mas’uul ka yihiin amniga guud ee gobolka.
“Annaga ka Federaal ahaan waxaan ku ognahay amniga gobolka ciidamada kala duwan ee DFS ka jooga gobolka, degmo walbo ciidanka ayaan ku ognahay” ayuu mar kale yiri.
Si kastaba ha ahaatee, Axmed Madoobe oo ay haatan is hayaan dowladda dhexe ayaa raba inuu isku ballaariyo gobolka Gedo, maadaama la galayo doorasho, Dowladda Federaalkana ay qorshe wayn ka leedahay gobolkaasi, si loo gaarsiiyo qof iyo cod.