Xiisadda ka dhex oogan Muuse Biixi iyo odayaasha dhaqanka ee midnimada Soomaaliya oo kasii dartay

Hargeysa (Caasimada Online) – Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadlay khilaafka soo kala dhex-galay Odayaasha dhaqanka iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ee salka ku haysa midnimada umadda Soomaaliyeed.

Suldaan Cumar ayaa si weyn u maagay Madaxweyne Biixi, isagoona sheegay in Madaxweynaha aysan islaheyn hadalada uu ku hadlo iyo waxyaabaha uu fuliyo, maadama uu si hoose ula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, xili uu bulshada reer Somaliland u sheego inay ku garnaqsanayaan fagaaro caalami ah oo loo dhan yahay.

Suldaanka ayaa sidoo kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in qaar kamid ah Odayaasha dhaqanku ay dhaafan xayndaabkooda, iyaga oo ka gudbay sida uu sheegay xuduudka Somaliland, xili ay ku baaqeen Midnimada umadda Soomaaliyeed iyo in laga qeyb geliyo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxa kale oo uu sheegay Suldaanku in xiligan loo baahneyn in Somaliland ay wada-hadal la furto dowladda federaalka, maadama ay dhinaca Soomaaliya ka socdaan dad uu ku sheegay inay u qalmin in la horfadhiisto oo lagala hadlo qadiyada Somaliland oo ay kamid yihiin Dr Baadiyoow iyo Guul-wade, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu yiri “In badan baan ka aamusnaa Somaliland-tii is haysatay iyo Siyaasiyiintii isku khilaafsanaa siyaasaddaba, waxa i soo kiciyey ee aan ka hadlayaa waxa weeyaan Masiirkii Ummadda ayaa la taataabtay, taasaa igu keliftay inaan hadalkan u soo ban-baxo”.

“Dalka waxa ugu sarreeya Madaxweynaha, Muuse Biixi, oo Madaxweyne ka ah dalka, hadalladiisa iyo Ficilkiisuna isma laha, markuu Bulshada la hadlayo wuxuu leeyahay Madal loo dhan yahay oo Adduunku wada fadhiyo ayaanu ku gar-naqsanaynaa, haddana Maqsin madow buu la gelayaa Nimankii (Reer Soomaaliya), laba Arrimood oo is leh Maaha, ta Dadka shaki gelinaysaana waa taa, dhuumasho dhabarku muuqdana looma baahna”.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Dadkana waxa shaki gelinaya labadaa dhacdo ee is-barbar yaalla, Madaxweynaha waxaan leeyahay labada Arrin kala reeb, ama meesha Madow ku adkayso ama ballankaa aad dadka u qaadayso ku adkayso, weliba waxaan anigu door-bidayaa inaad ku adkaysato ballankaa aad Dadka u qaadayso”.

“Somaliland sideedaba waxay ku caano maashay dhaqan, dhaqan bay halkaa ku soo gaadhay, dhaqan baa dhismaheeda lahaa, Dadka imika ku fadhiya Kuraasta leexaysanaysa waxa u fududeeyay inay Kuraastaa ku fadhiistaan dhaqan (Madaxda Dhaqanka), dhaqankaasi wax badana wuu soo qabtay, haddii Allaah yidhaahdana wax badan oo kalena wuu qaban doonaa”. 

“Waa wax aad loogu murugoodo ah in odayaasha qaarkood ay galeen Xuduud aan loo baahnayn, xuduudkaa aan loo baahnayn waxa weeyaan, ilaalinta Somaliland baanu isku ogayn ee iskumaanu ogayn inay Xuduudka Somaliland ka tallaabaan”.

“Anigu waxaan qabaa inaan xilligan loo baahnayn Wada-hadal, Waayo? Dadka la diyaariyey inay Somaliland la hadlaan maaha Dad u qalma in la hor fadhiisto, Dr. Baadiye iyo kii Guul-wade in la hor-fadhiistaa waa Mabnuuc oo Qadiyadda Somaliland lagala hadlaa” ayuu yiri ugu dambeyntii Suldaan Cumar.

Odayaasha dhaqanka Somaliland ayaa u muuqda kuwo u kala jabay labo garab oo midkood uu rabo in dib loo soo nooleeyo midnimadii Soomaaliya, halka kuwa kalena ay weli ku dhagan-yihiin gooni isku taaga Somaliland, oo muddo 30-sanno ah loo baadi-goobayey aqoonsi caalami ah oo weli laga gaarin natiijo wax ku ool ah.