Xiisadda Ruushka iyo Mareykanka oo kasii dareysa iyo Putin oo digniin soo saaray

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Mareykanka uga digay in haddii Washington ay gantaallada riddada dheer geyso Jarmalka, in Ruushkuna uu gantaalladaas kuwo la mid ah dhigi doono masaafo laga weerari karo danaha reer Galbeedka.

Maraykanka ayaa sheegay bishan July 10-keedii in uu bilaabi doono inuu geeyo dalka Jarmalka hub casri ah oo kala duwan oo ay ku jiraan gantaalada riddada dheer marka la gaadho sanadka 2026.

Khudbad uu Putin u jeediyay badmaaxayaal ka kala socday Ruushka, Shiinaha, Aljeeriya iyo Hindiya oo lagu xusayey maalinta ciidammada badda ee Ruushka oo lagu qabtay magaalada St. Petersburg, ayuu Putin wuxuu si toosa ugaga digay Maraykanka, inuu dib u bilaabayo nooc ka mida waxyaabihii dhaliyey qalaalisihii dhacay xilligii dagaalka qaboobi uu socday.

“Wakhtiga ay qaadan karto in dhulkeena lagu soo weeraro, marka la adeegsanayo gantaalladaasi, waxay qaadan karaysaa illaa 10 daqiiqadood, waxaana dhici karta in mustaqbalkana lagu rakibo hub nukliyeer ah” ayuu yiri Putin.

Putin oo ciidamadiisa u diray dalka Ukraine sannadkii 2022-kii ayaa dagaalkan ku tilmaamay qayb kamid ah halganka taariikhiga ah ee uu la galay reer galbeedka, kaas oo uu ku sheegay inay Ruushka bahdileen ka dib markii Midowgii Sofiyeeti uu burburay sannadkii 1991-kii, iyaga oo ku soo xad-gudbaya, ayuu yiri xayndaabka ammaanka ee Moscow.

Diblomaasiyiinta Ruushka iyo Maraykanka ayaa sheegay in xiriirka diblomaasiyadeed ee Maraykanka iyo Ruushku inuu marayo halkii ugu hoosaysay, xataa marka la bar-bardhigo xilligii uu dhacay qalalaasihii gantaallada ee Cuba, ee sannadkii 1962-kii.

Labada dhinac ayaa waxaa hadda loogu baaqay inay kubadda dhulka dhigaan oo ay qaadaan tallaabooyin xiriirkooda kor loogu qaadayo.