Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa weji cusub yeelatay, kadib markii ay dowladea Itoobiya soo saartay bayaan u muuqday baqdin, goodin iyo doonis qarsoon.
Qoraal ayd dhawaan soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee waddanka Itoobiya ayaa lagu sheegay inay Itoobiya si dhow ula socoto dowladdo raba inay xiisad ka abuuran gobolka Geeska Afrika.
Addis Ababa ayaa ku goodisay in aanay gacmaha laaban doonin, iyada oo dhinacyadaasi qal-qal amni ka abuurayaan gobolka. Inkasta oo bayaanka Itoobiya dal gaar ah lagu xusin, haddana waxay Itoobiya ku riixday Soomaaliya inay gacan-saar la leedahay kooxo u ooman inay xasillooni darro ka abuuran gobolka.
Bayaanka Itoobiya waxaa ku jirtay inay ka walaacsan dariiqa uu ku socdo gobolka. Farriinta Itoobiya ayaa kusoo aaday 24 saac kadib markii diyaarado milateri oo Masar leedahay ay kaalmo milateri geeyeen Soomaaliya.
Labada dal ee Soomaaliya iyo Masar ayaa dhawaan gaaray heshiis amni oo dhinaca barriga u badan, waxay kale oo Masar aqbashay inay qeyb ka noqoto howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee ka bilaabanaya Soomaaliya bisha Janaayo ee sanadka soo aadan.
Masar iyo Itoobiya waxaa waayihii dambe ka dhex taagneyd xiisad ka dhalatay biyo xireenkii ay Itoobiya ka sameysay webiga Niil. Dadka arrimaha gobolka ka faallood waxay aaminsan yihiin inay Soomaaliya noqon karto furin cusub oo labadan dal iyo dano badan oo gobolka ah isku hirdiyaan.
Muqdisho iyo Addis Ababa waxaa dhex yaalay khilaaf tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan, kadib heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland. Waxaana sida ay hadda wax ku socdaan bixineysa odoros uga sii dari kara xaaladda.
Masar fursad ayey u aragtaa inay hesho meel kale oo ay ka damqin karto Itoobiya kadib markii ay awoodi weysay inay joojiso biyo-xireenkii ay Itoobiyaanka ka sameeyeen aagga webiga Niilka.
Dhinaca kale, dowladda Itoobiya waxay muujineysa sida ay u diidan tahay inay ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya ama in laga saaro howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee dhawaan ka bilaabanaya Soomaaliya.
Waxaa la aaminsan yahay inay Mareykanka iyo dowladdo waaweyn kala hadleen in laga caawiyo rabitaankooda sii joogista Soomaaliya, iyagoo u sameeyay sababo badan oo amni.
Soomaaliya ayaa si weyn ugu dhawaatay Turkiga iyo Masar tan iyo markii ay Itoobiya soo damaacisay biyaheeda, waxaase su’aal weyn ah sida ay Muqdisho siyaasad ahaan ugu diyaarsan tahay is-waafajinta badbaadeeda iyo danaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay raadinayaan Masar iyo Turkiga.
Ankara ayaa weli Itoobiya u aragta saaxiib weyn ok ay ku leedahay Geeska Afrika, taas oo sidoo kale su’aal gelinaysa inta ay dhan tahay waxa ay Turkiga u huri karaan Soomaaliya marka qadiyaddan la eego ama haddii ay xaaladda faraha ka baxdo.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa ayaa dhawaan loogu baaqay inay qadiyadahan isa-saaran iyo dalalkan kala danaha ah arrintooda inay ka dhigaan mowduuc qaran oo si weyn looga doodo, si loo helo aragti intaan ka xoog badan oo loogu diyaar garoobo fal-celin walba oo ka timaada dalalka maanta la is-hayo iyo kuwa danahooda qarsoon yihiin ee dib kala imaan kara damacyo filan waa ah.
Soomaaliya inay noqoto garoonkii colaadda ee gobolka ma xiiso badan, laakiin markii dalkaaga si cad loogu soo duulo waxaa ku qasban tahay in aad qoriga dabka dhinacaaga ka qabsato oo aad ugu yaraan muujiso inay wax walba ka suurtooban haddii aan lagu nabad-gelin.