Xildhibaan ka tirsan BF oo shaaciyay inuu halis ku jiro, looguna hanjabay dil

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta xildhibaannada hortooda ka sheegay inuu ku jiro xaalad halis ah, isla-markaana mas’uul ka tirsan dowladda uu ugu hanjabay dil.

Xildhibaanka oo hadal ka jeediyay kulankii baarlamaanka ee maanta ayaa shaaca ka qaaday in uu eersaday hadal uu ka sheegay golaha oo ku aadanaa weerarkii todobaadkii hore ka dhacay maqaayadda Top Coffee oo lagu laayay dad badan oo shacab ah.

Cabdirsaaq Ciid ayaa tilmaamay i  mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, isla markaana qaabilsan amniga uu lasoo xiriiray, isla markaana uu ku qabsaday wixii uu ka sheegay baarlamaanka, balse ma shaacin magaca mas’uulkaas iyo qaybta uu ka tirsan yahay.

“Waxaa jirtay in la weeraray Top Coffee oo dhalinyaro banooni fiirsaneysay lagu laayay, markii aan ka hadlay oo meeshaan ka baxay ayaa mas’uul kamid ah mas’uuliyiinta dalka ee oo howlahaas qaabilsa uu taleefoon isoo diray isaga oo igu yiri Al-Shabaab miyaa tahay maxaad uga hadashayaa dadkan dhimashadooda iyo dhaawacooda?. Waxaan ku iri Al-Shabaab maahi, laakiin waxaan u damqanayaa dadkeyga mas’uuliyad ayaana iga saran” ayuu yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu ugu goodiyay inuu toogasho ku dilayo, haddii uu mar kale ka hadlayo arrimaha amaanka, gaar ahaan weerarada ka dhaca caasimada.

“Waxaa ku xigtay in hadalkii ku xigay uu ahaa maanta kadib, haddii aad ka hadasho madaxa ayaan ka tooganayaa, waa ogahay in uusan I toogan Karin tabarteedana uusan lahayn, laakiin qaladkaas waa ka dhacay” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Kolley waxaa laga yaabaa inuu is leeyahay ninkan waa qurbejoog waa cabsanayaa, laakiin nin la cabsi gelin karo inaan ahayn ayaan meeshaan ka caddeynaa”.

Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid ayaa ugu dameyn sheegay in arrintan uu warbixin kasoo diyaarin doono, kadibna uu kusoo celin doono baarlamaaka, si uu g’aan uga gaaro.

Hoose ka daawo:-