Xildhibaanadii Soomaaliyeed ee laga kaxeystay hoteel ku yaalla Nairobi oo xog bixiyey

Nairobi (Caasimada Online) – Laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegay in muddo kooban xorriyadda looga qaaday gudaha magaalada Nairobi oo ay sheegeen inay u joogaan fasax.

Xildhibaanada ayaa sheegay in askarta loo yaqaanno ‘dharcadka’ ay gaari ku qaateen iyaga oo looga digay in ay ku guda jiraan arrimo ka dhan ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin, iyo Xildhibaan Xasan Cabdinoor oo ah labada xildhibaan ee mudada kooban xorriyada laga qaaday ayaa ka warbixiyay sidii ay wax u dheceen.

“Anaga oo shah ka cabaneyna mid kamida hoteellada ku yaalla Nairobi gaar ahaan aagga Kilimani, ayaan go’aansannay in aan aadno hoteel kale oo aan Meesha ka fogeyn kadibna waxaa naga daba yimid gaari aan u aragnay in uu yahay mid ilaalo naga hayay wuuna nagu hor jaray,” ayuu yiri xildhibaan Axmed Kooshin.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Gaariga waxaa saarnaa shan nin mid kamid ah wuu degay wuuna tegey, waxaa ku haray gudaha hal qof oo maaski xiran saddexna wey soo degeen oo su’aalo ayey ina weydiiyeen ay kamid tahay sharciyadeenna.”

Intaa kadib xildhibaannadu waxa ay sheegeen in ay tuseen kaararka aqoonsi ee baarlamaanka Soomaaliya balse ay diideen raggii qabsaday iyaga oo sheegay in aysan wadan baasaboorradii ay dalka kusoo galeen balse ragga xildhibaannada gacanta ku dhigay ayaa diiday in iyaguna ay aqoonsiyadooda tusaan xildhibaannada.

Xildhibaannada ayaa intaa kadib loo sheegay in la geyn doono saldhigga ciidan ee ugu dhow sida ay sheegeen. Waxa ay sheegeen in uu la socday xildhibaan Cali Mahdi Qalato oo isna kamid ah xildhibaannadda Soomaaliya balse isaga lasii daayay.

“Xildhibaan Qalato ma aysan garaneyn in uu xildhibaan yahay sidaas ayey usii daayeen,” ayuu yiri xildhibaan Axmed Kooshin

Balse xildhibaan Xasan Cabdinuur ayaa yiri, “Xildhibaan Qalato ma aaminsani in ay sii deyn lahaayeen hase yeeshee gaariga ayaa buuxay, waxaana noo muuqatay in ay yihiin niman ina raadinayay oo xogteenna haya sida aan hadalkooda ka aragnay.”

Xildhibaannadu waxa ay sheegeen in raggani ay ahaayeen kuwo ku socday sifo qaldan oo aaney dowladda Kenya wax ka ogeyn balse lasoo adeegsaday, isla markaana ay dhacdadan kula laabanayaan dowladda Soomaaliya.

Mar aan weydiinnay waxa ay ku caddeynayaan in nimankani ay yihiin ciidan dowladeed ayaa xildhibaan Axmed Kooshin waxa uu yiri, “Waxa ay noo sheegeen in ay yihiin ciidan ka shaqeeya arrimaha amniga walow ay diideen in ay sharciyadooda ciidan na tusaan, aniga waxaan ka shaqeynayay arrimaha ammaanka 20 sano waxa ayna siteen qalab caddeynaya shaqadooda iyo arrimaha sirdoon.”

Waxa ay xildhibaannadu gacanta raggaasi ku sugnaayeen muddo ku dhow saacad iyagoo muddadaa is weydiinayay su’aalo labada dhinacba.

Xildhibaannadu waxa ay qabeen tuhun ah in qofkii gaariga ka degey markii ugu horreysay uu ahaa qof ciidanka hagayay.

Xildhibaannada oo ka jawaabay waxyaabaha ay isku tuhmayaan ee keeni kara in la daba galo ayaa waxa ay sheegeen in aysan isku ogeyn wax cad marka lagasoo tago waxyaabo ay sheegeen in ay ku dhaliilsanyihiin dowladda Soomaaliya.

Xildhibananadu waxa ay sheegeen in ay ka xunyihiin in weli aysan ka hadal guddoonkii baarlamanka ay ka tirsanyihiin walow ay arrinta la socodsiiyeen safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Nairobi.

“Majirto cid aan la xiriirnay marka lagasoo tago safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo xiriir inalasoo sameysay waan la ballansanahay,” ayuu yiri xildhibaan Xasan Cabdinuur.

Sidoo kale waxa ay sheegeen inay safaarada Soomaaliya dacwad u gudbiyeen, haddana ay qorsheynayaan inay la xiriiraan hay’adda amniga ee Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa ugu dambeyn sheegay in aysan jirin shirar ay Nairobi ku yeesheen iyo qorshayaal ay abaabuleen marka lagasoo tago in maqaaxiyo ay ku kulmaan ama shah ku wada cabaan.

Isha: BBC Somali