Xisbiga Sheekh Shariif oo war culus ka soo saaray kiiska hubka, kuna eedeeyey DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray xaaladda ka dhalatay Hubkii dhawaan lasoo galiyey deegaanada Galmudug ee lagu boobay Caabudwaaq.

Xisbiga oo walaac ka muujiyey caqabadaha ka dhalan kara wixii dhacay ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey masuuliyad darro, “khilaafka iyo khasaaraha ka dhashay hubkaas waxaa masuuliyadiisa iska leh dowladda federaalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Himilo Qaran.

Xisbiga ayaa sheegay in arrintaan ay si weyn u dhaawacayso cunaqabateyntii hubka ee sida sharciga ah looga qaaday dalka, “waxaan aaminsanahay in dano gaar ah hubkaan laga lahaa, isla markaana loo keensaday in lagu waxyeeleeyo dowlad goboleedyada madaxweynaha ka aragtida duwan,” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

War-saxaafadeedkaan waxaa lagu duray warkii xalay ka soo baxay shirkii golaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh uu shir guddoomiyey, kaas oo looga hadlay arrinta hubka.

“Xosbiga Himilo Qaran wuxuu ayaan darro u arkaa in dowladdu ay ka dhuumato masuuliyadii ka saareyd amniga dalka, waxaana tusaale ah qoraaladii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka iyo Wasaaradda Amniga dowladda federaalka,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Sidoo kale Xisbiga ayaa cabsi weyn ka qaba in hubkaasi uu galo gacanta argagixisada, “hadii taasi dhacdo waxaa masuuliyadda qaadi doonta dowladda federaalka,” ayaa lagu yiri qiraalka.

Xisbiga Himilo Qaran oo fariin u diray shacabka ayaa ugu baaqay inay masuuliyiinta dowladda iyo kuwa amniga kula xisaabtamaan ayaan darrada dhacday.

“Xisbigu wuxuu u soo jeedinayaa dowladaha deriska la ah dalkeena inay dhinacooda ka xilaaliyaan qulqulka tahriibka hubka soo gelaya Soomaaliya oo khatar ku ah amniga guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Hoos ka eeg War-saxaafadeedka