Xog: Abiy Axmed oo ku wajahan Jabuuti + Qorshaha

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inuu bishaan October uu booqasho ku tago dalka Jabuuti.

Booqashada Abiy ee Jabuuti ayaa qorshaheeda yahay sidii ay labada dal uga wada-hadli lahaayeen yaboohi dhawaan ay Jabuuti u jeedisa ee adeegsiga dekedda Tadjoura.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlay telefishanka Al-Jazeera ayaa sheegay in Itoobiya aysan diidaneyn qorshaha ay Jabuuti usoo bandhigtay Itoobiya, isagoo shaaciyay in wafuud ka socota Itoobiya ay booqdeen dalkaasi.

Wafdiga Itoobiyaanka ayuu sheegay inay daneynayay wax ka ogaanshaha arimaha dekedda, isaga oo xusay inay ku howlan yihiin sidii loo gaari lahaa heshiis dhamaystiran oo dan u ah labada dal.

Tan ayaa imaneysa xilli ay shalay gelinkii dambe labada hoggaamiye ee Itoobiya iyo Jabuuti ay khadka taleefanka ku wada-hadleen, iyagoo isla soo qaaday xaaladaha ka jira gobolka iyo caalamka.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa kale isla soo hadal qaadeen arrimo la xiriira ganacsiga iyo dhaqaalaha, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Jabuuti.

Si kastaba, ujeedada ay Jabuuti ugu yaboohday Itoobiya dekedda Tadjoura ayey xukuumadda Geelle ku sheegtay sidii xal loogu heli lahaa xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, oo haatan mareysa meel xasaasi ah.