Xog: Al-Shabaab oo bilowday qorshe halis ah oo la xiriira diyaaradaha Drones-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe wajaheysay cadaadis xooggan kadib markii dowladda ay qaaday guluf dagaal oo ka dhan ah ayaa waxay bilowday qorshe ay ku horumarineyso taatikadeeda dagaalka.

Baaris dheer oo ay sameysay Caasimada Online ayaa waxay sheegaysa in Al-Shabaab ay haatan isku diyaarineyso adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano drones-ka.

Diyaaradahan ayey kooxda qorsheynaysa inay u adeegsato laba siyaabood, oo kala ah;

1. Sahminta bartilmaameedka

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kooxda ayaa qorsheynaysa in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn u adeegsato sahminta iyo xog soo aruurinta bartilmaameedka, sida; saldhigyada ciidamada iyo xarumaha dowladda.

Al-Shabaab ayaa horey sahminta bartilmaameedka u adeegsan jirtay xubno kamid ah dagaal-yahaanadeeda, waxayna hadda taatikadaasi noqotay mid ay ku guul-daraysatay kooxda, kadib howl-gallada ka dhanka ah ee ka socda gobollada dalka iyo qorshaha xasilinta caasimada.

2. Fulinta weerarada

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee kooxda ku taameyso inay kusoo biiriso taatikadeeda dagaalka ayaa ah nooca xambaara qaraxyada ama is-qarxiya , kuwaas oo burburin kara bartilmaameedka loo adeegsado markaas.

Tan waa midda ugu halista badan, kuna riixeysa kooxda adeegsato diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, si ay markaas si sahal ah ugu weerarto saldhigyada ciidanka iyo xarumaha dowladda ee sida aadka loo ilaaliyo, waana midda sida weyn uga digayaan khubarada amniga.

Haddaba, halkee kooxda ka keenaysa diyaaradahan horumarsan?

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan xiriir iskaashi la gaartay Xuutiyiinta Yemen, oo iyadu taageero ka hesha Iran, waana halka kooxda ay qorsheynayso inay kasoo waarido diyaaradaha aan duliyaha laheyn.

Sida ay ogaatay Caasimada Online intii aan wadnay daba-galka qorshahaan halista, waxaa deegaanada Al-Shabaab gaaray tiro Injineero ah oo dhanka Xuutiyiinta Yemen uga yimid, kuwaas oo ka shaqeynaya tababarka iyo ka dhabeynta qorshahaan bilowga ah.

Sidoo kale waxaa jirta xog kale oo sheegaysa in kooxda wado inay muddo kadib samayso maktab cusub oo ay ugu magacdarayso, tusaale ahaan; maktabka drones-yada ama maktabka diyaaradaha bilaa duuliyaha ah.

Qorshahaan oo hadda wejigiisa koowaad uu socdo ayaa sare u qaadaya halista kooxda Al-Shabaab, waxaana khubarada ku talinayaan in tallaabo deg-deg ah ay qaado dowladda oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka si uusan qorshaha ugu gudbin wejigiisa labaad.

Dhinaca kale, waxaa xusid mudan in 26-kii August ee 2024 uu maamulka Puntland qabtay toddobo xubnood oo Shabaab ahaa iyo tiro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo kamid ahaa hubkii ay siteen.

Kamikaze ayay Puntland ku sheegtay magacyada diyaaradahaas bilaa duuliyaha ahaa ee ay qabteen. Diyaaradahaas oo Yemen aad looga isticmaalo ayaa la aaminsan yahay in Puntland ay kasoo galeen dhanka Boosaaso, waxaana xilliga la qabanayey loo sii waday Gaalkacyo.

Kamikaze waa nooc diyaaradeed ku cusub goobaha dagaallada. Waxaana hadda aad u isticmaala Ruushka iyo Ukraine, sidoo kale Xuutiyiinta Yemen ayaa adeegsada diyaaraddaasi. In kasta oo ay jiraan dalal iyo kooxo haysta, oo ay kamid yihiin Israel, Mareykan, Kuuriyada koofureed, Turkey, Shiinaha iyo Iran.

Waa diyaarad xajmi ahaan yar, xawaaraheeda ay gaabiso, joogga ay ku duushana ay tahay mid aan la arki karin, masaafo ahaanna duuli karta maylal badan, waxayna sidaa qaraxyo. Waxay awood u leedahay inay ka dhuumato Raadarka, iyada oo burburin karto bartilmaameedkeeda.

Si kastaba, xogahan ayaa muujinaya in kooxda isu diyaarinayso inay horumariso taaktikadeeda dagaal iyo inay masraxa dagaalka ku soo dari doonto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada riddada gaaban iyo kuwa dheerba.